Sabti, July 05, 2008(HOL): Ciidamada Booliska Saldhigga Degmada Shibis ayaa maanta waxay gudaha degmadaas kula dagaalameen rag ku labisnaa dharka Ciidamada Dowladda Federaalka, kuwaasi oo falal dhac ah dadka u geysanayay.
Taliyaha Saldhigga Booliska Degmada Shibis Cali Jaamac ayaa wuxuu sheegay in dadka degmada qaarkood ay ku soo wargeliyeen ragga dhaca geysanayay, kadibna ay sidaas ugu direen Ciidamada Saldhigga.
“Raggii falalka dhaca ah geysanayay mid ka mid ah waan qabannay, mid waa la dhaawacay oo isagoo dhaawac ah ayay reerkiisa naga wateen, mid kalena waa uu baxsaday”ayuu yiri Taliyaha Saldhigga Booliska Degmada Shibis Cali Jaamac oo intaas ku daray in ay sidoo kalena hayaan labo qori oo ka mid ah kuwii ay raggaas wax ku dhacayeen.
Taliyaha Saldhigga Booliska Degmada Shibis waxaa uu sheegay in aaney ilaa iyo haatan kala garan karin in ay Raggaas si rasmi ah uga tirsan yihiin Ciidamada Dowladda iyo in ay dharka Ciidamada iska soo qaateen, wuxuuse sheegay in ay arrintaas baaritaan ku sameynayaan.
Dadka ku dhaqan Magaalada Muqdisho ee caasimadda Dalka Soomaaliya ayaa iyo had iyo jeeraale waxay falal dhac, dil iyo argagax-gelin kala kulmaan Rag ku labis Dharka Ciidamada Dowladda Federaalka, kuwaasi oo qaarkood la sheego in ay ka tirsan yihiin Talisyo la yaqaano.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia