Sabti, July 05, 2008(HOL): Magaalada Baydhabo ee xarunta u ah gobolka Bay ayaa habeenkii xalay ahaa waxaa ka dhacay qarax geystay dhaawaca afar ruux oo isugu jiray Ciidamo ka amar qaata Dowladda Federaalka iyo dad rayid ah.
Dhaawaca afarta Ruux ayaa wuxuu yimid kadib markii ay kooxo hubeysan Bambo gacmeedyo ku weerareen Saldhig-yaraha Degamda Baydhabo oo aysan ahayn markii ugu horeysay oo weerar lagu qaado.
Dadkii ku dhaawacmay Qaraxii xalay ka dhacay Saldhig-yaraha Degmada Baydhabo oo mid ka mid ah uu ka tirsanaa Ciidamadii Saldhiggaas joogay ayaa waxaa la dhigay Isbitaalka Magaalada Baydhabo, halkaasi oo haatan lagu daweynayo.
Wararkii ugu dambeeyay ee saaka naga soo gaaray Magaalada Baydhabo ayaa waxay sheegayaan in gudaha Magaalada lagu soo daadiyay Ciidamo badan oo Itoobiyaan ah, kuwaasi oo gebi ahaanba hakiyay isu socodkii dadka iyogaadiidka iyo weliba dhaqdhaqaaqii ganacsiga.
Inkastoo ay horay qaraxyo uga dhaceen Magaalada Baydhabo, hadana wuxuu qaraxii xalay ahaa midkii labaad oo todobaad gudahiis ka dhaca Magaalada Baydhabo oo xarun u ah Gobolka Bay, isla markaana ah fariisinka KMG ah ee Baarlamaanka Soomaaliya.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia