Markab kale oo lagu af-duubay Xeebaha Soomaaliya

Talaado, July 22, 2008 (HOL): Markab ka diiwaangashan Dalka Panama balse laga leeyahay Dalka Japan ayaa maanta lagu af-duubay Xeebaha Soomaaliya, sidaas waxaa sheegay Sarkaal ka tirsan Hay’ad Badaha qaabilsan oo Kenya fadhigeedu yahay.

Markabkan oo lagu magacaabo MV Stella Maris ayaa waxaa lagu heystaa Xeebta Caluula oo hoos-tagta Deegaannada uu ka taliyo Maamul Goboleedka Puntland, iyadoo ay saaran yihiin 18 shaqaale ah.

Bile Maxamuud Qabowsade oo ah La-taliyaha Madaxtooyada Maamulka Puntland ayaa u sheegay Wakaaladda Wararka AFP in 38 Burcad Badeed ah ay markabkaas ka soo qafaasheen Biyaha Caalamiga ah ee Gacanka Cadmeed, wuxuuna sheegay inay ku raad-joogaan kooxihii Markabkaas soo qabsaday.

“Waxaan dooneynaa in aan ogaanno halka ay Burcad Badeedku rabaan in ay Markabka geystaan”ayuuna yiri Bile Maxamuud Qabowsade.

Sida ay sheegtay Hay’adda Caalamiga ah ee Badaha (IMB) sanadkii la soo dhaafay oo kaliya Xeebaha Soomaaliya waxaa ka dhacay 25 af-duub loo geystay maraakiib iyo doomo ku socdaalayay Badda Soomaaliya oo dhererkeedu dhan yahay ,700 kilometres (2,300 miles).

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia