5/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, July 22, 2008
Wasiirka Maaliyadda Puntland oo sheegay in uu wanaagsan yahay Xiriirka Dhaqaale-Siyaaso ee u dhaxeeya Puntland iyo Imaaraadka Carabta

Wasiirka Maaliyadda Puntland Maxamed Cali Yuusuf Gaagaab
Talaado, July 22, 2008 (HOL):Wasiirka Maaliyada Dawlad Goboleedka Puntland Maxamed Cali Yuusuf Gaa-gaab iyo wafdi uu hor kacayo ayaa Maanta ka soo degay Garoonka Diyaaradaha Bandar Qasim ee Magaalada Boosaaso.

Waxaa Wasiirka Maaliyadda Puntland ku soo dhaweeyay Garoonka Diyaaradaha  Mas’uuliyiin sar sare oo ka tirsan Golaha Xukuumadda Puntland ,isla markaana aad ugu Marxabeeyay dib ugu soo laabashadiisa Magaalada Boosaaso.

Masuuliyintii soo dhawaysay Wasiirka waxaa ugu soo horeeya Wasiirka Amniga Puntland Cabdulaahi Siciid Samatar, Wasiirka Ganacsiga Abwaan , Guddoomiyaha Gobolka iyo kan iyo Masuuliyiin ka socotay Wasaaradaha Maamulka Puntland.

Wasiirka ayaa Muddo Sedex Asbuuc ah ku Maqnaa dalka Imaaraatka Carabta ,halkaasi oo uu kulamo kala duwan kula soo qaatay Masuuliyiin dhinaca Maaliyadda ah oo ka tirsan dalka Imaaraatka Carabta.

Maxamed Cali Yuusuf Gaagaab ayaa tilmaamay in uu la kulmay Wasiirka Maaliyadda Imaaraatka Carabta ,isla markaan ay ka wada hadleen arrimo badan oo khuseeya sida loo adkayn karo xiriirka dhaqaaale ee Puntland kala dhaxeeya Imaaraadka.

Mar wasiirka wax laga waydiiyay halka uu marayo Xiriirka Diblumaasiyadeed ee ka dhaxeeya Puntland iyo Imaaraadka Carabta ayuu sheegay in iminka uu meel wanaagsan uu marayo.

Puntland iyo Imaaraatka Carabta ayaa u muuqanaya kuwo samaystay xiriirka ku aadan dar dargalinta hawlahooda ku aadan dhanka Maaliyada ,iyadoo safarka Wasiirkana uu ku soo beegamyo xilli lagu wado in Dekadda Boosasao ay ka bilaabato xoolo-dhooofin rasmi.

Xiriirka Dhaqaale ee ka dhaxeeya Puntland iyo Imaaraadka Carabta ayaa lagu wadaa in sida ugu dhaqsiyaha badan loo herligaliyo waqtiyada soo socda si Puntland ay uga gudubto Caqabado ka soo Wajahay Dhanka dhaqaalaha.
 
Faysal Maxamed Xasan (boston)
[email protected]
Bosaso , Somalia