Talaado, July 22, 2008 (HOL): Ciidamo ka amar qaata Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maalintii labaad waxay howlgallo ka sameynayaan gudaha Degmada Xamar-weyne, waxayna howlgalladaas ku soo qab-qabteen dad badan.
Saldhigga Afar Irdood ee Degmada Xamar-weyne ayaa haatan waxaa ku xiran dad badan oo gudaha degmada Xamar-weyne laga soo qabtay, kuwaasi oo qaarkood laga soo kaxeeyay goobo ganacsi oo ay ka xoogsanayeen.
Dadkaasi ayay wararku sheegayaan in loo soo xiray sabab la xiriirta tuhun ku saabsan dhaawac ay shalay kooxo hubeysan u geysteen Cumar Nuur Baasharax oo ahaa Guddoomiyaha Waaxda Horseed ee Degmada Xamar-weyne.
Guddoomiyaha Degmada Xamar-weyne C/llaahi Ibraahim Sahal (Gar-dhuub) ayaa sheegay in dadka la soo qabtay su’aalo la weydiinayo haddii dembi lagu waayana la sii deyn doono, wuxuuna caddeeyay in ilaa iyo haatan aaney qof dembi lagu helay.
Dadka ku dhaqan Degmada Xamar weyne ayaa waxay walaac ka muujinayaan Ciidamada maalintii labaad howlgallo ka sameyanya gudaha degmadaas, kuwaasi oo si aan kala sooc lahayn dadka isaga qabanaya.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia