Talaado, July 22, 2008 (HOL): Abaarihii 7 fiidnimo ayaa waxaa soo weeraray 2 tuug oo South African ah Dukaan ey ku lahaayeen Muwaadiniin Soomaaliyeed Tuulo lagu magacaabo Wondorkop oo 35km u jirta magalada Rustanburg ee gobolka Waqooyi Galbeed.
Tuugada ayaa halkaa ku Toogtay marxuum lagu magacaabi jiray Maxamed Cumar Ibraahim xili uu tagnaa iridda hore ee Dukaankiisa iyagoo markii hore xabad kala helay Gacanta kadib markuu kaga soo cararay gudaha Dukaanka ayay mar kale 2 xabadood kala heleen dhabarka. marxuumka ayaa loola cararay Isbitaal ku yaala magaalada Rustanburg isagoo kadibna halkaas ku geeriyooday.
Cabdiraxmaan Muumin Maxamed oo ku Magac dheer (Cabdi Xaquuq) oo kamid ah Ganacsatada Rustanburg ahna Qaraabada Marxuumka oo aan la xiriiray ayaa ii xaqiijiyay in Tuugadaas aysan wax dhac ah geysan ayna baxsadeen kadib markey Dilkan geysteen wuxuuna intaas ku daray in ay Police-ka baaritaan wadaan.
Dilkan ayaan ahayn kii ugu horeeyay ee loo geysto muwaadininta soomaaliyeed ee ku nool Dalka koonfurta Africa isagoo iska noqday mid joogta ah.
Inta badan waxaa lagu dhibaateeyaa Ganacsatada Soomaaliyeed Xarumahooda Ganacsi ee ay ku leeyihiin Tuulooyinka halkaasoo loogu geysto dil Dil, Dhac iyo Dhaawac intaba mana muuqato sabab ay ku joojin karaan Ganacsiga Tuulooyinka madaama ay yihiin Dad Qoxooti ah oo la daalaa dhacayo qaabkii ay u noolaan lahaayeen.
Saciid Cabdulle Herow, Hiiraan Online
[email protected]
Johannesurg, South Africa