Talaado, July 22, 2008 (HOL): Qeybtii ugu horeysay CiidamadiiSoomaalida ahaa ee lagu soo tababaray gudaha Dalka Itoobiya ayaa waxay saaka soo gaartay Degmada Afgooye ee Gobolka Shabeelaha Hoose.
Ciidamadan oo ay la socdaan Ciidamo Itoobiyaan ah ayaa waxay ka soo amba baxeen magaalada Baydhabo ee Gobolka Bay, halkaasi oo ay ku soo nasteen waqti kooban kadib markii laga keenay Dalka Itoobiya.
Labo jeer ayaa waxaa Ciidamadaas weerar ku qaaday Xoogagga Al-Shabaab mar ay socdeen duleedka Degmada Berdaale ee Gobolka Bay iyo mar kale oo ay socdeen inta u dhaxeysa Deegaannada Leego iyo Yaaq-biri-weyne ee Gobolka Shabeelaha Hoose
Ciidamadan ayaa markii ay soo gaareen Degmada Afgooye waxaa cabsi la soo deristay dadka Degmadaas ku dhaqan, kuwaasi oo qaarkood ay goobahoodii ganacsiga xireen, halka kuwo kalena ay isaga fogaadeen Wadada Laamiga ah ee dhexmarta Degmada Afgooye.
Wararka naga soo gaaraya Degmada Afgooye ayaa waxay sheegayaan in Ciidamadan ay u muuqdaan kuwo ka sii gudbaya Degmada Afgooye, isla markaana u jeeda dhinaca Magaalada Muqdisho oo loo maleynayo in ay tahay halka ugu dambeysa ee ay u socdaan.
Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Dalka Soomaaliya ayaa waxaa ku sugan Ciidamo Soomaali ah oo lagu soo tababaray gudaha Dalka Itoobiya, kuwaasi oo ay Dadka Soomaaliyeed qaarkood ugu yeeraan Ciidamada Copy-ga, taasi oo ay ula jeedaan inay u howlgalaan sida Ciidamada Itoobiya.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia