Ciidamo ka amar qaata Dowladda Federaalka oo afar ruux ku dilay Degmada Afgooye

Talaado, July 22, 2008 (HOL): Ciidamo ka amar qaata Dowladda Federaalka oo ka tirsan Ciidamadii dhawaan lagu soo tababaray Dalka Itoobiya ayaa maanta waxay gudaha Degmada Afgooye ku dileen afar ruux.

Ciidamadan oo maanta soo gaaray Degmada Afgooye ayaa waxay Suuqa Qaadka Degmada Afgooye ku toogteen afar ruux oo la sheegay in ay ka tirsanaayeen Ciidamada Degmada Afgooye, kadibna ay ka qaateen Qori gacmeedyo ay wateen.

Ilaa iyo hataan lama oga sababta keentay in ay Ciidamada Dowladda toogtaan raggaas ka tirsanaa Ciidamada maamulka Degmada Afgooye oo qudhiisa hoos-taga Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Markii uu dhacay falkaas toogashada ah ayaa waxay Degmada Afgooye noqotay mid ay dadka ku kala cararaan, inkastoo wararkii ugu dambeeyay ee Degmadaas naga soo gaaray ay sheegayaan in xaaladda ay haatan sideedii ku soo noqoneyso.

Ciidamadan lagu soo tababaray gudaha Itoobiya ayaa la sheegay in ay ku sii jeedaan Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Dalka Soomaaliya, halkaasi oo ay ka dhacaan dagaallo joogto ah oo u dhaxeeya Ciidamada Dowladda Federaalka iyo Itoobiya oo isku dhinac ah iyo Kooxo hubeysan oo ka soo horjeeda.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia