Axad, 20 July 2008 (HOL): Dagaalka koowaad ayaa wuxuu maanta ka dhacay inta u dhaxeysa Deegaannada Leego iyo Yaaq-biri-weyne ee Gobolka Shabeelaha Hoose, iyadoo dagaalkaasina uu u dhaxeeyay Ciidamo Soomaali iyo Itoobiyaan isugu jira iyo Kooxo hubeysan oo ka soo horjeeda.
Dagaalkaas oo socday muddo nus saac ka badan ayaan ilaa iyo haatan la ogeyn khasaaraha uu geystay, waxaase la sheegay in lagu qaaday Ciidamo ku sii jeeday Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Dalka Soomaaliya, iyadoo wararkuna ay intaas ku darayaan in Ciidamada Soomaalida ah ee la weeraray ay ahaayeen kuwo dhawaan lagu soo tababaray Dalka Itoobiya.
Dagaalka labaad oo waqti kooban socday ayaa galabta casir-liiqii waxaa uu ka dhacay nawaaxiga Isgoyska Towfiiq ee Magaalada Muqdisho, wuxuuna dagaalkaas dhexmaray Ciidamada Dowladda Federaalka iyo Xoogagga Maxkamadaha Islaamka.
Dagaalkaas ayaa intii uu socday waxay labada dhinac isugu adeegsaday madaafiic xooggan, kuwaasi oo qaarkood khasaare ka geysteen xaafado ka tirsan Deegaanka Towfiiq ee Degmada Yaaqshiid.
Afhayeenka Howlgallada Maxkamadaha Islaamka C/raxiin Ciise Caddow ayaa sheegay in ay dagaalkaas qaadeen Ciidamadooda, isla markaana ay jab u geysteen sida uu u yiri Ciidamada Cadawga iyo kuwa daba-dhilifka, dhinacoodana wuxuu sheegay in uusan wax khasaare ah ka soo gaarin dagaalkii galabta.
Ma jiro ilaa iyo haatan wax war ah oo ka soo baxay dhinaca Dowladda Federaalka Soomaaliya oo ku saabsan dagaalka maanta ka dhacay Deegaannada ka tirsan Gobollada Shabeelaha Hoose iyo Banaadir.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia