Axad, July 20, 2008(HOL): Ganacsatada Khaadka ee Magaalada Beledweyne ayaa u muuqda kuwo si weyn uga wal wal qaba warar sacaadihii ugu danbeeyay soo baxay oo sheegaya in uu jiro qorshe isku xiran oo la doonayo in lagaga joojiyo Gobolladda Hiiraan iyo Gal-gaduud ee bartamaha Soomaaliya ka ganacsiga Khaadka oo ah mid ay ku xiran tahay nolasha qoysas badan oo Soomaaliyeed.
Sida ay HOL u sheegeen qaar ka mid ah ganacsatada ku sugan Magaalada Beledweyne warka arintan ku saabsan ayaa soo gaaray xalay kadib markii sida ay sheegeen fariimo loo daray shirkadaha duulimaadyada Khaadka soo dajiya ee labada Gobal, kuwaa oo lagu wargaliyay sida ay hadalka u dhigeen in ay ka foogaadaan bur bur ku dhaca hantidooda haddii aysan u hoggaansamin amarka lagu joojinayo Diyaaradaha Khaadka.
Laakiin waxaa ay intaas ku dareen ganacsatadu in aysan u kala caddeyn labo arimood oo kala ah" In dhamaanba la maamnuucay ka ganacsiga Khaadka, iyo kaliya in arimuhu ku eg yihiin dhinaca duulimaadyada, waxaana ay intooda badan u muuqdaan kuwo saakay ka war sugaya sida arimuhu isku badalaan.
Maalintii shalay ayaa howl-gal ay ka sameeyeen gudaha magaalada Beledweyne Ciidamo ka tirsan sida wararku sheegayaan dhalinyaro Diimeedka Al-shabaab waxaa ay ku soo qab qabteen rag iyo dumar sida la sheegay meel kaliya ku wada Qayilayay kuwaasoo markii la soo qabtay xabsiga la dhigay, waxaana ay arintaas muujineysaa sida xoogagga gacanta ku haya magaalada raali uga ahayn cunista iyo ka ganacsiga Khaadka.
Xitaa haddii aysan ka degan duulimaadyada Khaadka Gobolladda Hiiraan iyo Gal-gaduud waxaa suurta gal ah in gaadiidku ka soo qaado Gobalka Mudug gaar ahaa Magaalada Gaal-kacyo oo uu Khaadku si joogta ah uga dago, iyadoo si dhuumaaleysi ah lagu soo gelinayo labada Gobol.
Si kastaba la arki doonee saacadaha soo socda sida arimuhu isku badalaan, waxaana xusid mudan in sanad iyo bar ka hor amar ka soo baxay Maxkamadihii Islaamiga ee ganacta ku hayay gobollada Koofurta iyo Bartamaha Soomaaliya ay joojiyeen ka ganacsiga iyo cunista Khaadka, iyadoo Gobalka Hiiraan uu ka mid ahaa goobihii sida tooska ah uu uga dhaqan galay xiligaas amarka ka soo baxay Midowgii Maxkamadaha.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyn, Somalia