Axad, July 20, 2008(HOL): Shiikh Xasan Mahdi oo ka mid ah Xubnaha Isbaheysiga Dib u xoreynta Soomaaliya ee ku sugan Magaalada Asmara ee Dalka Eritrea ayaa wuxuu sheegay in ay burbureen Wada Hadallo ay Dalka Yemen ku yeesheen Xubnaha Maxkamadaha Islaamka ugu jira Isbaheysiga Dib u xoreynta Soomaaliya.
Shiikh Xasan Mahdi oo isagoo ku sugan Magaalada Asmara ee Dalka Eritrea u waramayay Idaacadda Horn Afrik ee Magaalada Muqdisho waxaa uu sheegay in qodobo ay ku heshiiyeen xubno ka kala tegay Jibouti, Asmara iyo Muqdihso ay ku heshiiyeen in waxba kama jiraan laga soo qaado heshiiskii Jibouti, taasina sida uu yiri ay raali ka noqdeen Xubnihii Jibouti ka yimid ee uu hoggaaminayay Shiikh Shariif Shiikh Axmed.
“Qodobadii aan ka wada hadalnay intii aan Yemen joognay waxay ahaayeen 4 qodob oo ku jiray heshiiskii Jibouti, kuwaasi oo kala ah xabad-joojinta, bixitaanka Ciidamada Itoobiya iyo Ciidamada lagu bedelayo, In la iska biri-yeelo xoogagga muqaawamada ee ka dagaallamaya gudaha Soomaaliya iyo in wax lala qeybsan karo Dowladda Federaalka, marka intii aanan qodobadaas ka hadlin ayaa waxaa laga dooday in markii horeba uu qaab sharci darro ah ku yimid shirkii Jibouti, kadibna markii ay Walaalaha Jibouti ka garaabeen in ay shirka si wada tashi la’aan ah uga qeybgaleen waxaa la isku af-gartay in shirka uu ahaa mid baadil ah, sidoo kalena mirihii ka soo baxay ay iyaguna baadil ahaayeen”ayuu yiri Shiikh Xasan Mahdi.
Shiikh Xasan Mahdi waxaa uu sheegay in Shirkii Yemen ay dhexdhexaadinayeen Guddi labada dhinac ka madax-bannaan, kuwaasi oo uu guddoomiye u ahaa Prof. Ibraahim Xasan Caddow, wuxuuna sheegay in ay haatan ka sugayaan guddigaas wixii ay ku xukumaan Xubnaha Isbaheysiga ee Jibouti ku sugan, kuwaasi oo uu sheegay in ay ka baxeen waxyaabihii lagu heshiiyay.
“Waxyaabihii aan ku heshiinay waxaa ka mid ahaa in aan la gelin wax siyaasad ku saabsan ilaa ay xubnaha Isbaheysiga isaga imaanayaan, maantana waxay Jibouti ku qabteen Shirkii Golaha Dhexe ee Isbaheysiga Dib u xoreynta, waxayna ku ansixiyeen Heshiiskii Jibouti”ayuu mar kale yiri Shiikh Xasan Mahdi oo sheegay in mas’uuliyadda burburka wada hadalladii Yemen ay qaadayaan xubnihii uu hoggaaminayay Shiikh Shariif ee ay Yemen ku wada kulmeen.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia