Cudurka Shuban-Biyoodka oo fara ba'an ku haya Dadka Deegaanka Baar-Gaal ee Gobolka Bari

Cabirka Farta

Axad, 20 July 2008 (HOL):  Degmada Baar-gaal ee Gobolka Bari ayaa laga soo sheegayaa in Cudurka Shuban biyoodka uu fara ba’an ku hayo dadka deegaanka, waxaana uu cudurkani soo ritay Saacidihii u danbeeyay dad isugu jira Caruur iyo Haween.

Qaar ka mid ah dadka uu soo ritay Cudurka shuban-biyoodka ee ku dhaqan Degmadaasi ayaa loola soo Carararay Isbitallka Wayne e Magaalada Boosaaso, si halkaasi loogu daweeyo.

Guddoomiyaha Degmada Baar-gaal ee Gobolka Bari ayaa hay’adaha Caalamiga ah ka Codsaday in gargaar lala soo gaaro dadka uu cudurkan Shuban biyoodka soo ritay, waxaana laga soo dayrinayaa xaaladda caafimaad ee ku noolyihin dadka Degmadaas.

Degmooyin kale oo ka tirsan Gobolka Bari ayaa horay waxaa uga jiray Cudurka shuban biyoodka, iyadoo dad siyaabo kala duwan ay cudurkaan ugu dhinteen degmada Qandala ee isla gobolka Bari.

Dhawaan ayay ahayd markii Degmada Baar-gaal ay gaareen khubarro Caafimaad oo soo kormeera xaaladda ay kusugan yihiin dadka ku nool Degmadaasi Baar-gaal ee Gobolka Bari, mana jiraan wax gargaar ah oo ay halkaasi gaarsiiyeen.

Cudurka Shuban biyoodka ayaa noqday mid iminka si aad ah u saameeyay qeybo ka mid ah dadka ku nool deegaannada hoos yimaada Gobolka Bari ,waxaana u dhintay Cudurkaasi Bishii ina gudubtay Dad isugu jira Caruur iyo Haween.
 
Faysal Maxamed Xasan(Boston), Hiiraan Online
[email protected]
Bosaso, Somalia