Ciidamada Booliska Somaliland oo xalay Xabsiga u taxaabay Guddoomiyaha Guddiga Ganacsatada Xoolaha

Cabirka Farta

Axad, 20 July 2008 (HOL): Guddoomiyaha Guddida Ganacsatada dhoofka Xoolaha Cabdilaahi Maxamed Cabdiraxmaan (Awal Bari), ayaa xalay Fiidkii xabsiga loo taxaabay, ka dib markii sida la sheegay laga qabtay Hotel Sacaada ee Magaalada Hargeysa oo uu degan yahay.

Sida noo xaqiijiyay Cabdilaahi Carab Ismaaciil oo xubin ka ah Guddiga Ganacsatada Xoolaha, markii Guddoomiyaha waxa markii hore lagu xidhay Saldhigga Booliska ee Xaafadda New Hargeysa, hase ahaatee markii dambe waxa la geeyay Xarunta C.I.D-da. “Waxa guddoomiyaha laga soo xidhay Hotel-ka Sacaada oo uu degan yahay, waxaana markii hore lagu xidhay Saldhigga New Hargeysa, saacad iyo waxoogaa ayuu ku xidhnaa oo lala sugayay Taliyaha Saldhigga, ka dibna waxa loo qaaday xagga Xarunta C.I.D-da” ayuu yidhi Cabdilaahi Carab.

Cabdilaahi Carab waxa kale oo uu sheegay in markii ay halka uu ku xidhan yahay Guddoomiyahoodu ku booqdeen ee ay isku dayeen inay gogol u geeyaan, loo diiday. “Markii aan is nidhi Xarunta C.I.D-da gogol ugu geeya waa naloo diiday, waxaana noo diiday taliye-xigeenka C.I.D-da oo ah nin ay Madaxweynaha isku qoys yihiin. Waana naloo diiday in aanu soo aragno, sidaas ayaanu kaga soo noqonay” ayuu yidhi Cabdilaahi.

Mar aanu wax ka waydiinay inay wax ka ogyihiin sababaha loo aanaynayo xadhigga Guddoomiyaha Guddiga Ganacsatada, waxa uu Cabdilaahi ku jawaabay, “Wax Alla wax aanu ka ognahay ma jirto, Xoolahaa la xidhay ee cid waliba ka hadlayso, odayaashu ka hadlayaan, Cuqaashu ka hadlayso, umaddu ka hadlayso iyo dadkoo dhami ay ka hadlayaan, ayaanu u malaynaynaa in lagu xidhay. Laakiin war rasmi ah oo sheegaya sababta lagu xidhay ma hayno”

Cabdilaahi Carab Ismaaciil oo ka tirsan Guddiga Ganacsatada Xoolaha, waxa kale oo uu ka hadlay aragtidooda guddi ahaan ku wajahan xadhigga Guddoomiyahooda. “Anagu waxaanu u aragnaa Xadhigga loo geystay Guddoomiyaha oo iska jooga Hotel-ka uu degan yahay daandaansi iyo xad gudub, mar haddii uu yahay oday masuul ah, guddoomiyihii Ganacsatada Xoolaha uu ahaa, wax ogaysiin ah oo la soo siiyay aanay jirin, wax Waaran ah oo loo soo gudbiyayna aanay jirin. Isla markaana waxa uu hadlayay ay ahayd uun danta umadda iyo baahida dalka ka jirta. Wax alla wax dembi ah oo uu galayna ilaa hadda anagu ma ogin.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray oo uu yidhi, “Sida loola baxay iyo goorta la kaxaystayna ma ahayn waqti ay munaasib ku tahay in qof ixtiraam leh ama Oday ah isaga oo gogoshiisii jiifa lala soo baxo goor habeen ah”

Shalay ayay ahayd markii xubno ka tirsan Guddiga Ganacsatada Xoolaha oo uu ka mid yahay Guddoomiyahan la xidhay ay Shir jaraa’id oo ay Madaxweynaha kaga dalbanayaan sii daynta dhoofka Xoolaha, ay  ku qabteen Magaalada Hargeysa. iyada oo maalmihii u dambeeyay uu muran xooggani ka dhex oognaa Xukuumadda Somaliland iyo Guddiga Ganacsatada Xoolaha, ka dib markii ay Xukuumaddu heshiis ay muddo sanad iyo badh ka hor ah la gashay Ganacsade Sacuudiyaan ah oo ay Xoolaha kooto ugu xidhay ay ka dalbadeen Ganacsatadu inay ka noqoto Xukuumadd.. Waxaanay sheegeen in heshiiskaasi curyaamin ku yahay dhaqaalaha dalka iyo sidoo kale nolosha shacabka. hase ahaatee, Madaxweyne Rayaale oo kulamo la yeeshay guddigan ayaanay jirin wax ka soo baxay.

Barkhad M. Kaariye,  Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland