Isbaheysiga Dib u xoreynta Soomaaliya oo ansixiyay Heshiiskii Jibouti

Cabirka Farta

Axad, July 20, 2008(HOL): Isbaheysiga dib u xoreynta Soomaaliya ayaa wuxuu ansixiyay heshiiskii ka soo baxay wada hadalladii ay Qaramada Midoobay soo qaban qaabisya ee 9-kii June ka dhacay Magaalada Djibouti ee Dalka Jibouti.

106 xubnood oo ka tirsan 191-ka xubnood ee uu ka kooban yahay Isbaheysiga Dib u xoreynta Soomaaliya oo shalay shir ku yeeshay Magaalada Djibouti ayaa waxay ansixiyeen heshiiskii ay 9-kii bishii hore  dalka Jibouti ku gaareen Dowladda Federaalka iyo Isbaheysiga Dib u xoreynta Soomaaliya.

Guddoomiyaha Guddiga Warfaafinta Isbaheysiga Dib u xoreynta Soomaaliya Saleebaan Colaad Rooble ayaa sheegay in inta Xubnaha Isbaheysiga ay si buuxda u ayideen heshiiskii Jibouti, wuxuuna carrabka in aysan jirin cid ka hor-timid oo shirkii shalay ka qeybgashay.

Saleebaan Colaad Rooble waxaa uu sheegay in dhinacooda ay ka go’an tahay in ay meel-mariyaan heshiiskii Jibouti, wuxuuna ugu baaqay dhinacyada kale ee uu heshiiskaas khuseeyo in ay iyadana ka dhabeeyaan heshiiska ay saxiixeen.

Baarlamaanka Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa wuxuu horay u ansixiyay Heshiiskii ay Jibouti ku gaareen Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Isbaheysiga Dib u xoreynta kadib markii warbixin uu ka dhegeystay Ra’iisal Wasaare ku xigeenka, ahna Wasiirka Warfaafinta Axmed C/salaan Xaaji Aadan oo isagu hoggaaminayay Ergadii Dowladda Federaalka uga qeybgashay Wada Hadalladii Jibouti.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia