Hoobiyayaal lagu weeraray Xerada Ciidamada Itoobiya ee duleedka Beledweyne.

Cabirka Farta
Talaado, 15, July, 2008 (HOL)  Galinkii danbe ee maanta ayaa laga maqlay duleedka bari ee magaalada Beledweyne dhawaaqa qoriga hoobiyaha oo sida la sheeg lagu weeraray Xerada ay degan yihiin Ciidamada Itoobiya ee Jante-kuudisho.
 
Sida ay u xaqiijiyeen HOL dadka ku dhaw Xerada Ciidamada Itoobiya ee weerarka lagu qaaday waxaa ku soo dhacay daafaha iyo bartamaha Xerada Jante-kuudisho ilaa 6 Madfac, waxaana intaa kadib jiray rasaas culus oo sidoo kale ay ku jawaabeen Ciidamada Itoobiya taasoo loo ridayay jihada uu weerarku ka yimid.
 
Ilaa hada lama oga khasaaraha ka dhashay weerarka lagu qaaday Ciidamada Itoobiya oo sidaa kale weerar kan la mid ah lagu qaaday 10-kii bishan aynu ku jirno kaa oo xiligaa ay sheegteen in ay ka danbeeyeen Xoogagga Maxkamadaha.
 
Weerarka lagu qaaday Ciidamada Itoobiya ayaa ku soo beegmaya xili maalintii shalay kulan ay ku yeesheen Magaalada Beledweyne Golaha Odayaasha dhaqanka Gobalka Hiiraan iyo Saraakiisha hogaamisa Xoogagga Maxkamadaha kaa oo ugu danbeytii laysku afgartay in dibada looga saaro magaalada Ciidamada Maxkamadaha si loo baajiyo dagaal ka dhaca gudaha Magaalada.
 
Sidoo kale waxaa xusid mudan in weerarku ku soo beegmay xilli dadkii ka barakacay Magaalada bilaabeen in ay dib u soo guryo noqdaan kadib markii ay maqleen in dibada looga saarayo Magaalada Xoogagga Maxkamadaha, lamana oga weerarada dhacaya waxa ay ka badali karaa mooralka iyo niyada dadka shacabka ah ee hada uun ka soo laabanaya deeganadii ay ku barakaceen.
 
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyn, Somalia