Mudaharaad looga soo horjeedo Maamulka Somaliland oo Maanta ka dhacay Magaalada Badhan ee Gobolka Sanaag

Cabirka Farta

Talaado, July 15, 2008(HOL):  Mudaharaad aad u ballaaaran oo looga soo horjeedo Maamulka Somaliland ayaa Maanta ka dhacay Degmada Badhan ee Gobolka Sanaag qeybta hoos-tagta Maamulka Puntland, kaasi oo ay soo qaban-qaabiyeen ururada Bulshada ee Degmadaasi ku dhaqan.

Banaanbaxayaasha oo  isugu jiray Odayaal , Haween, Caruur Iyo Qaybaha kale ee Ururada Bulshada Degmada Badhan ayaa waxay wateen boorar ay ku qoran yihiin halku-dhigyo ay kaga soo horjeedaan Maamulka Somaliland ,waxaana socod ay ku mareen waddooyinka qaar ee ku yaala Magaaladaasi Badhan.

Qaar ka tirsan Banaabaxayasha ayaa sidoo kale watay calanka Dalka Somalia ,waxaana ay ku dhawaaqayeen Ereyo ay kaga soo hor jeedaan in dalka Somalia la kala qaybiyo.

Somaliland ayaa baryahii u danbeeyay waday qorshayaal ay kula wareegayso Gobollo ka tirsan Maamulka Puntland, taasi oo ka caraysiisay guud ahaan Shacabka Puntland iyo Maamulkiisa.

Mudahraadkaan looga soo horjeeday Maamulka Somaliland ee ka dhacay Magaalada Badhan ee Gobolka Sanaag ayaa Salka ku haya haysashad Somaliland ay gacanta ku hayso wali Magaalada Laascaanood ee xarunta Gobolka Sool, waxaana uu banaanbaxan ku soo beegmaya xilli Magaalada Badhan uu ku sugan yahay Wasiiru Dawlaha Amniga Puntland Jaamac Xirsi Faarax iyo Masuuliyiin kale oo ka tirsan Maamulka Puntland.

Somaliland ayaa maalmo ka hor isaga baxday Degmada Laas-Qoray oo waqti kooban ay gacanta ku haysay kadib markii degmadaasi la geeyay Ciidamo ka tirsan Maamulka Puntland.

Magaalada Laascaanood ayaa ah Magaalo ay ku Muransanyihiin Iminka Maamullada Puntland iyo Somaliland ,walow gacanta uu ku hayo Maamulka Somaliland,Waxaana Arintani ay keentay in Cadaawad dhinaca Dhulka ah ay ka dhax dhalato labada Maamul.

Maamulka Somaliland ayaa weli ku adkaysanaya Gacan ku haynta Magaalada Laascaanood ee Xarunta Gobolka Sool ,xilli Puntlnad ay ka dhawajisay in ay la wareegi doonto Magaaladaasi , waxaana khilaafka labada Maamul uu keeni karayaa Dagaal Sokeeye oo mar kale  dhexmara Puntland iyo Somaliland.
 
Faysal Maxamed Xasan (Boston), Hiiraan Online
[email protected]
Bossaso, Somalia