Hay’adda Madino Foundation oo Seminaar wacyigelin ah Muqdisho ku qabatay

Cabirka Farta


Talaado, July 15, 2008(HOL): Hay’adda Samafalka Madino Foundation ayaa waxay Hotelka Jiddah ee Magaalada Muqdisho ku qabatay Seminaar wacyigelin ah, kaasi oo ay loo qabtay 30 ruux oo ka socday bulshada qeybaheeda kala duwan.
 
Seminarkan oo ay maalgelisay Hay’adda Cilmi Baarista iyo Wadatashiga CRD ayaa waxaa meel-marisay Hay’adda Madino Foundation oo ah Hay’ad lagu xusuusanayo Samafaladdii geeriyootay ee Madiino Maxamuud Cilmi (Madiino Janaraal).

Guddoomiyaha Hay'adda Madino Foundation-Ciise Maxamuud Cilmi
Furitaankii Seminaarkan ayaa waxaa kahadlay Guddoomiyaha Hay’adda Madino Foundation Ciise Maxamuud Cilmi, wuxuuna sheegay in sababta ay Seminaarka u qabteen ay tahay in ay dadka Soomaaliyeed ku baraarujiyaan sidii ay dhibaatada uga bixi lahaayeen, isla markaana ay uga wacyigelin lahaa in aysan dadka Soomaaliyeed isu dhiibin duruufaha uu dalka ku jiro dartood.

Dhibaatooyinka Dalka Soomaaliya ka dhacaya ayuu sheegay Ciise Maxamuud Cilmi in ay keeneen in ay dadka waayaan rajadii nolosha, isla markaana ay go’aansadaan in ay dalka ka yaacaan, wuxuuna sheegay in ay doonayaan sidii ay duruuftaas u bedeli lahaayeen, isla markaana ay u abuuri lahaayeen rajo ku dhiirigelin karta dadka dalka ka cararaya in ay dalkooda joogaan oo markaasina ay ku noolaadaan.

“Sida aan la soconno dad badan oo ka cararaya dhibaatada dalka ka jirta ayaa waxay ku dhamaanayaan Badaha iyo Wadamo ay islahaayeen waxaad ka heleysaan nolol dhaanta nolosha dalkiina ka jirta, sidaas darteed waxaan leenahay dadka Soomaaliyeed in aysan isu dhiibin duruufaha dalka ka jira, taasi bedelkeedna u soo jeesta in aad ka shaqeysaan sidii uu dalka nabad ku noqon lahaa”ayuu yiri Ciise Maxamuud Cilmi.

Ugu dambeyntiina, Ciise Maxamuud Cilmi waxaa uu u mahadceliyay Hay’adda CRD oo uu sheegay in ay u suurtagelisay in ay seminaarkan qabtaan, sidoo kalena wuxuu u mahadceliyay ka soo qeybgalayaashii Seminaarka, kuwaasi oo uu iyana sheegay in ay waqtigooda qaaliga ah u soohureen.



Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia