Talaado, July 15, 2008(HOL): Saaka aroortii ayaa kooxaha ka soo horjeeda siyaasadda Dowladda Federaalka iyo joogitaanka Ciidamada Itoobiya ee Soomaaliya waxay weerar loo adeegsaday Madaafiicda Hoobiyaha ku qaadeen fariisin ay Ciidamo Itoobiyaan ah ku leeyihiin Xarunta Warshaddii Baastada.
Dhowr Madfac oo hoobiyayaal ah ayaa waxay ku dhaceen Xarunta Warshaddii Baastada, iyadoo kadibna ay Ciidamada Itoobiyaanka ku soo jawaabeen madaafiic kale, kuwaasi oo la sheegay in ay badankooda ku dhaceen xaafado ay dadkii deganaa ka barakaceen.
Dad degan xaafadaha u dhowr Warshaddii Baastada ayaa waxay sheegeen in xiliga weerarka madaafiicda ah lagu soo qaadayay Ciidamada Itoobiya uu da’ayay roob xooggan, isla markaana ay ahayd 6-dii subaxnimo ee saaka.
Labo ruux oo rayid ah ayaa ilaa iyo haatan la xaqiijiyay inay ku dhaawacmeen madaafiicda ay Ciidamada Itoobiyaanka ku jawaabeen, iyadoo dhinaca Ciidamada Itoobiyaankana aan la ogeyn khasaaraha ka soo gaaray madaafiicdii lagu weeraray.
Ma ahan markii ugu horeysay oo weerar madaafiic loo adeegsaday lagu qaado Xarunta Warshaddi Baastada, waxaana horay u jiray dhowr jeer oo hore oo madaafiic lagu weeraray, iyadoo ay sidoo kalena jireen marar weerar toos ah lagu qaaday Ciidamada Itoobiya ee degan Xarunta Warshaddii Baastada.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia