Talaado, July 15, 2008(HOL): Dagaal socday muddo saacad ka badan oo la isugu adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan ayaa maanta wuxuu ka dhacay Xaafado ka tirsan Degmada Hodan ee Gobolka Banaadir, iyadoo dagaalkaasina uu dhexmaray Ciidamo ka amar qaata Dowladda Federaalka oo ku sugan Fagaaraha Tareebuunka iyo Xoogag ka amar qaata Maxkamadaha Islaamka.
Dagaalkan oo dhinacyada uu dhexmaray ay isu adeegsadeen hub culus iyo mid fudud ayaan ilaa iyo hataan la xaqiijin khasaaraha uu geystay, inkastoo madaafiic ay labada dhinac isu adeegsadeen oo ku dhacayay xaafado dad rayid ah ay degan yihiin ay khasaare keeni karaan.
Dagaalka ayaa intii uu socday waxaa ka qeybqaatay Ciidamo Itoobiyaan ah oo fariisin ku leh Isbitaalkii Digfeer, kuwaasi oo soo ridayay rasaas yar yar iyo mid waa weyn, taasi oo qaarkeed ay argagax gelisay dad ku nool xaafado ka fog halka uu dagaalka ka socday.
Afhayeenka Howlgallada Maxkamadaha Islaamka C/raxiin Ciise Caddow oo dagaalkan ka hadlay ayaa sheegay in ay Ciidamadooda weerar ku qaadeen Fagaaraha Tareebuunka, dagaal kadibna ay halkaas ka ceyrsadeen Ciidamo ka amar qaata Dowladda Federaalka Soomaaliya, isagoo intaas ku daray in ay Ciidamadooda ku sii socdaan Isbitaalkii Digfeer oo fariisin u ah Ciidamo Itoobiyaan ah.
Laakin Guddoomiye ku xigeenka Gobolka Banaadir ee dhinaca Nabadgelyada C/fataax Ibraahim Sabriye Shaawey ayaa wuxuu beeniyay in Fagaaraha Tareebuunka lagala wareegay, wuxuuna sheegay in ay weli halkaas joogaan Ciidamadooda oo sida uu yiri seddex ruux ka dilay Kooxo weerar ku soo qaaday.
Ugu dambeyntiina, Nawaaxiga Fagaaraha Tareebuunka ee Degmada Hodan ayaa inta badan waxaa ka dhaca dagaallo u dhaxeeya Ciidamada Dowladda Federaalka iyo kuwa Itoobiya oo isku dhinac ah iyo Kooxo hubeysan oo ka soo horjeeda, iyadoo xaafadaha u dhow Tareebuunka ay noqdeen kuwo ay dadkii deganaa uga barakaceen sabab la xiriirta dagaallada ku soo noq-noqda.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia