Ciidamo Soomaali ah oo lagu soo tababaray Itoobiya oo iyagoo loo waday Baydhabo weerar lagu qaaday

Cabirka Farta

Talaado, July 15, 2008(HOL): Labo Guuto oo ka tirsan Ciidamo Soomaali ah oo dhawaan lagu soo tababaray gudaha Dalka Itoobiya ayaa iyagoo loo soo waday Magaalada Baydhabo waxaa jidka u galay oo weerar ku qaaday Kooxaha ka soo horjeeda Dowladda Federaalka iyo joogitaanka Ciidamada Itoobiya ee Dalka Soomaaliya.
 
Ciidamadan Soomaalida ah oo ay galbinayeen Ciidamo Itoobiyaan ah ayaa wuxuu dagaal ku qabsaday duleedka Degmada Berdaale ee Gobolka Bay, waxaana lagu soo waramayaa in uu halkaas dagaal xooggan ku qabsaday.

Dad ku sugan Degmada Berdaale oo aan la xiriirnay ayaa waxay sheegeen in dagaalka labada dhinac dhexmaray uu ahaa mid xooggan oo weliba la isugu adeegsaday hub culus, inkastoo ay dadkaas ka gaabsadeen in ay sheegaan khasaaraha dagaalka ka dhashay.

Beryahan ayaa waxaa la hadal hayay in Ciidamo badan oo lagu soo tababaray gudaha Itoobiya ay ku soo wajahan yihiin Magaalada Baydhabo, iyadoo Ciidamadaas ay isugu jiraan Mileteri iyo Boolis.

Dadka ku dhaqan Degmada Berdaale ayaa waxay maalmahan muujinayeen cabsi ku aadan in ay dushooda ku dagaallamaan Ciidamo Itoobiyaan ah oo beryahan ku sugnaa duleedyada Degmada iyo Kooxo hubeysan oo iyana fariisin ku lahaa meel aan u dheereyn halka ay Ciidamada Itoobiyaanka joogaan.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia