Dagaal culus oo ka soconaya qeybo ka mid ah Degmada Hodan

Talaado, July 01, 2008(HOL): Dagaalkan oo la isugu adeegsanayo hubka noocyadiisa kala duwan ayaa waxaa uu u dhaxeeya Ciidamada Dowladda Federaalka, kuwa Itoobiya iyo Kuwa Amison oo isku dhinac ah iyo Kooxo hubeysan oo ka soo horjeeda ayaa uu ka socdaa xaafado ka tirsan Degmada Hodan ee Gobolka Banaadir.

Dagaalka oo madaafiicda la isugu adeegsanayo laga maqlayo xaafado ka fog halka uu dagaalka ka socdo ayaa waxaa uu bilowday 5:40pm, waxaana uu ka socdaa Xaafadaha Tareebuunka, Taleex iyo nawaaxiga Isgoyska KM4.

Lama oga ilaa iyo haatan inta uu la egyahay khasaaraha uu geystay dagaalkan, waxaase la hubaa in uu jiro khasaare waayo waxaa la isu adeegsanayaa Madaafiic culus.

Xaafadaha uu dagaalka ka socda ayaaney u ahayn markii ugu horeysay oo uu dagaal ka dhaco waxaana jiray dhowr jeer oo hore oo sidan oo kale ay dagaallo ka dhaceen.

Wixii dagaalkan ku soo kordha kala soco Hiiraan Online haddii Alle idmo.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia