Wararkii u dambeeyay ee Shaqaaqo dhimasho iyo dhaawac keentay oo ka dhacday Berbera

Talaado, July 01, 2008(HOL): Wiil dhalin-yaro ah ayaa geeriyooday ka dib markii shaqaaqo ka aloosantay rasaasina ka dhacday dhismaha Hotel-ka Ambassador oo ka socda Xeebta Batallaale ee Magaalada Berbera. Halkaasoo ciidamada amniga la geeyay, ka dib markii qaybo ka mid ah dhismaha qabyada ah ee Hoteelka ay dumiyeen habeen sadexaad koox dablay ah oo sida la sheegay ku doodayaan lahaanshaha dhulka laga dhisayo.

Subaxnimadii hore ee shalay ayay dablay hubaysani soo weerareen goobta laga dhisayo Hoteelka Ambassator ee xeebta Batalaale ee Barbera, talaabadan oo daba socotay fal Kooxdani habeenkii ka  horeeyay ku burburiyeen dayrkii Hoteelkaasi lahaa. Balse, Doraad subax markii halkaasi ay tageen Ciidamada Boolisku ka tagay.

Hadaba shaqaaqada shalay oo rasaas la is weydaarsaday ayaa waxaa dhaawac fududi ka soo gaadhay taliyaha Saldhiga Wadda-jir ee magaalada Barbera Maxamed Siciid Dheere. Iyadoo sida uu sheegay Badhasaabka Gobolka Saaxil toban (10) qof oo laba ka mid ah uu ku tilmaamay inay ka mid-yihiin dablayda goobtaasi gashay, halka sideeda (8) kale uu ku sheegay inay wateen Gaadhi Xaajiyad ah oo u gurmanaysay dablaydaasi.

Hawlgalkaasi ka dib duhurnimadii shalay ayaa dad ka baxay dhinaca magaalada oo u badanaa dhalin-yaro, ay dhagax-tuur ku sameeyeen ciidankii Booliska ee ilaalada ka ahaa Goobta Hoteelka laga dhisay, waxaana la sheegay in ciidankaa markaa raasaas ay fureen uuna ku dhintay Wiil dhalinyaro ah oo Magaciisa la odhan jiray Maxamed Cabdilaahi Bulbul.

Sidoo kale duhurnimadii Shalay ayaa Gaadhi Xaajiyad ah oo ay leedahay Dakada Berberi laga afduubay Magaalada badhtankeeda, hase ahaatee, 8:30 cawaysnimo ee xalay ayaa gaadhigaa dib loogu soo celiyay magaalada Berbera ka dib markii laga soo qabtay Xeebta Ceel-Gardi.
 
Barkhad M. Kaariye  Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland