Talaado, July 01, 2008(HOL): Waxaa Maanta ka soconaya Gudaha magaalada Bosaaso munaasabado loogu dabaal dagayo xuska 48 sano guuradii ka soo wareegatay markii Gobolada koonfureed ay xornimadooda ka qaateen Gumaystihii Talyaaniga,isla markaana ay midoobeen labad gobol ee Waqooyiga iyo Koonfurta dalka Somalia.
Xaflad lagu xusayo Munaasabdaasi 1luulyo ayaa xalay lagu qabtay xarunta Gobolka ee Magaalada Bosaaso ,waxaana xuska munaabada 1 luuliyo ka qayb galay masuuliyiin sar sare oo ka tirsan Golaha xukuumada dawlad Goboleedka Puntland.
Munaasabadaasi ayaa lagu soo bandhigay heeso Wadani ah oo ka tarjumaya Xuska 1 luuliyo , iyadoo Munaasabadaasi ay khudbado kala duwan ka soo jeediyeen Masuuliyiin ka tirsan Golaha Xukuumada Dawlada Goboleedka Puntlad sida la taliyaha Madaxwaynaha arimaha Maamulka Barkhad Cali Saalax.
Saqdiii dhexe ee xalay saacadu markii ay ahayd 12:00 habeenino ayaa Calanka Somalia la suray xarunta Gobolka Bari ee Magaalada Bosaaso , waxaana ka soo qayb galayaasha Munaasabadaasi ay si wada jir u qaadeen heesta Calanka Somalia si ay ku jirto qadarinta xuska 1 luulyo oo ah maalin ku wayn umada Somaaliyeed.
Dhamaan masuuliyiinta Maamulka Puntland ayaa hambalyo iyo bogaadin u diray shacabka Somaaliyeed meel walba oo ay joogaan in sanadkaan sanadkiisa kale ay ku gaareen Burwaaqo iyo Bareere.
Meelaha sida wayn looga xusay 1 luuliyo ma ahan Magaalada Boosaaso oo kaliya waxaa sidoo kale xuska 1 luuliyo munaasabado lagu xusayo lagu qabtay meelo fara badan oo ka mid ah magaalooyinka ugu waa wayn puntland sida Gorowe,Galkacyo ,iyo Qardho.
Dhinaca kale Faraxada iyo damaashaad lagu xusayo 1 luulyo ayaa ilaa iyo iminka ka soconaysa dhamaan deegaanada Dawlada Goboleedka Puntladn.
Feysal Maxamed Xasan (Boston), Hiiraan Online
[email protected]
Bosaso, Somalia