Talaado, July 01, 2008(HOL): Warar Xog-ogaal ah oo ka soo baxaya Degmada Matabaan ee Gobalka Hiiraan ayaa sheegaya in Dagaal culus oo laysku weydaarsanayo hubka noocyadiisa kala duwan ku dhaxmarayo Xoogagga Maxkamadaha Islaamiga iyo Ciidamo Itoobiyaan ah oo ka soo dhaqaaqay dhinaca Degmada Guri-ceel ee Gobalka Gal-gaduud.
Wararku waxaa ay intaa ku darayaan in Dagaalka hadda ka socda daafaha Degmada Matabaan in uu u dhaxeeyo Ciidamo ka tirsan Maxkamadaha oo ka yimid Degmada Guri-ceel halka kuwo kale oo ka tirsan isla Maxkamadaha kana tagay Magaalada Beledweyne ku sugan yihiin halka lagu magacaabo (Qabno) oo ay dhigeen ciidamo difaac ah.
Dad rayid ah oo ku sugan Degmada Matabaan oo ay la hadashay HOL ayaa sheegay in ay gudaha Degmada ku soo dhaceen dhowr madfac isla markaana dadka shacabka ah bilaabeen in ay isaga caraaraan guryadooda si markaa ay uga fogaadaan waxyeelo ka dhalata hubka dhinacyadu is-weydaarsanayaan.
Dhaq-dhaqaaqa Milatari iyo dagaallada laga soo sheegayo qeybo ka mid ah Gobalka Hiiraan ayaa walaac iyo shakiba ku abuuray dadka ku dhaqan Magaalada Beledweyne oo ka cabsi qaba in ugu danbeytii dagaalku ku soo fido deegaanada ku dhaw dhaw Magaalada, maadaama Ciidamada Itoobiyaanka ah doonayaan in ay soo gaaraan fariisinkoodii hore ee Jante-kuundisho oo hadda xarun u ah Xoogagga Makamadaha.
Wixii warar ah ee ku soo kordha Dagaalkaas kala soco wararka danbe ee HOL
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyn, Somalia
Xoogagga Maxkamadaha Islaamiga iyo Ciidamo Itoobiyaan ah oo dagaal culus ku dhaxmaray daafaha Degmada Matabaan ee Gobalka Hiiraan
More News
- Dagaal culus oo ka soconaya qeybo ka mid ah Degmada Hodan
- JEN. CADDE MUUSE: “Itoobiya nama xukunto, Wadankeena annaga ayaa xor u ah, waa jirtaa in ay Itoobiya dhinaca tababarrada naga caawiso balse..."
- Shirweynihii Isbaheysiga Dib u xoreynta Soomaaliya oo Jibouti ka furmay
- Munaasibado lagu xusayo 1-da Luulyo oo maanta ka dhacay guud ahaan gobollada Puntland
- Muqdisho oo xalay meel kaliya looga dabaal-degay Munaasabadda 1-da Luulyo
- Madaxweyne Yuusuf: “Shacabka Soomaaliyeed intey dib u eegaan Halgankii Xornimada loo soo galay waa in ay Taageeraan Nabadda iyo Dib u heshiisiinta socota”
- Wararkii u dambeeyay ee Shaqaaqo dhimasho iyo dhaawac keentay oo ka dhacday Berbera
- Ciidamadii Itoobiyaanka ahaa ee beryahan ku sugnaa Degmada Guriceel oo halkaas isaga soo dhaqaaqay