Talaado, July 01, 2008(HOL): Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya C/llaahi Yuusuf Axmed oo isagoo ku sugan Magaalada Sharm Al-Sheekh u waramayay Laanta Afka Soomaaliga ee BBC-da ayaa wuxuu hambalyo u diray Shacabka Soomaaliyeed isagoo ugu hambalyeeyay Munaasabadda 1-da Luulyo oo ku beegan markii ay Gobollada Koofureed Xornimada ka qaateen Gumeystihii Talyaaniga, isla markaana ay midoobeen Gobollada Koofur iyo Waqooyi ee Soomaaliya.
Madaxweyne C/llaahi Yuusuf waxaa uu ayaan darro ku tilmaamay in markii xornimada la qaatay 48 sano kadib ay Soomaaliya weli dhibaato ku jirto, wuxuuna tilmaamay in shacabka Soomaaliyeed looga baahan yahay sida uu u yiri in ay shidada iska daayaan, “Shacabka Soomaaliyeed intey dib u eegaan Halgankii Xornimada loo soo galay waa in ay Taageeraan Nabadda iyo Dib u heshiisiinta socota” ayuu yiri C/llaahi Yuusuf Axmed oo shacabka Soomaaliyeed u rajeeyay in ay sanadkan sanadkiisa si wada jir ah u xusaan Maalmaha Xoriyadda.
Intaas kadib Madaxweyne C/llaahi Yuusuf oo Magaalada Sharm Al-Sheek uga qeybgelaya Shir ay halkaas ku leeyihiin Madaxda Midowga Afrika ayaa wuxuu sheegay in ay shirka hordhigeen qaraarro ku saabsan sidii Soomaaliya loo taageeri lahaa dhinacyada amniga iyo xasilooni ku soo dabaalidda, wuxuuna sheegay in uu rajeynayo in ay dalalka Afrika isla guddoonsadaan in Soomaaliya loo diro Ciidamo ka socda Midowga Afrika oo la howlgeli doona kuwo laga sugayo Qaramada Midoobay.
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa waxaa Caasimadda Soomaaliya ugu dhalatay labo munaasabadood oo ku aadan Xornimo qaadashadii Soomaaliya, hayeeshee amni darro magaalada ka jirta aawadeed Munaasabadahaas si weyn looma maamuusin.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia