Talaado, July 01, 2008(HOL): Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Dalka Soomaaliya ayaa xalay waxaa lagu qabtay munaasabad lagu maamuusayay 1-da Luulyo oo ku beegan markii ay Gobollada Koofureed Xornimada ka qaateen Gumeystihii Talyaaniga, isla markaana ay midoobeen Gobollada Koofur iyo Waqooyi ee Soomaaliya.
Hal Munaasabad oo ka dhacday Xaruntii Gaadiidka Booliska ayaa lagu maamuusay munaasabaddaas, waxaana halkaas isugu tegay mas’uuliyii ka socday labada Gole ee Dowladda Federaalka iyo weliba Mas’uuliyiinta Maamulka Gobolka Banaadir.
Mas’uuliyiintii halkaas isugu tegay ayaa markii ay cabaar ka hadleen halgankii xornimada loo soo maray ayaa waxaa markii la gaaray 12-kii Saqda dhexe waxaa la saaray Calanka Soomaaliya, iyadoo dhinaca kalena ay Heeso wadani ah ka qaadayeen Fannaaniin Soomaaliyeed.
Ma jirin meel kale oo Muqdisho ku taala oo xalay looga dabaal-degay Munaasabadda 1-da Luulyo, waxaana taasi ugu wacnaa amni darro ka jirta Magaalada Muqdisho oo aan saamaxeynin in ay dadka isu soo baxaan, isla markaana ay u xafladeeyaan Munaasabadda 1-da Luulyo.
Waxaa xusid mudan in intii ay Xafladda ka socotay Xaruntii Gaadiidka Booliska ee Degmada C/Casiis ay Madaafiic Hoobiyayaal ah ku dhaceen Xaafadda Geedoole, iyadoo la sheegay in madaafiicdaas ay ahaayeen kuwo loola dan lahaa in lagu weeraro Xarunta Gaadiidka Booliska ee ay ka dhaceysay xafladda lagu maamuusayay 1-da Luulyo.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia