Khamiis, January 31, 2008(HOL): Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, ahna Duqa Magaalada Muqdisho Maxamed Cumar Xabeeb (Maxamed Dheere) ayaa maanta ugu baaqay dhinacyada ka soo horjeeda Dowladda Federaalka in ay miiska Wada hadalka soo fariistaan, isla markaana ay xabadda joojiyaan.
“Mucaaradka waa in uu soo fariistaa miiska wada hadalka, xabaddana waa in uu joojiyaa, maxaa yeelay meel xabad ka dhaceyso qof joogi karto ma jirto”ayuu yiri Maxamed Dheere oo sheegay in wada hadal dhexmara Dowladda Federaalka iyo dhinacyada ka soo horjeeda uu dan u yahay maamulka Gobolka Banaadir.
“Maamul ahaan waxaa nalaga dilay 9 Guddoomiye Degmo iyo 19 haween ah oo howlo nadaafeed ka waday Degmooyin ka tirsan Gobolka Banaadir, kuwaasi oo aan waxba galabsan”ayuu yiri Maxamed Dheere oo sheegay in howlaha maamulka Gobolka Banaadir ay ragaadiyeen dagaallada ay kooxaha ku kacsan Dowladda Federaalka ay Muqdisho ka wadaan.
Maxamed Dheere waxaa uu sheegay in Dowladda Federaalka ay mucaaradka ugu baaqdy dib u heshiisiin, sidaas oo kalena ay maamul ahaan ugu baaqayaan dib u heshiisiin, “Walaalaheena mucaaradka ah waxaan leenahay haddii aad wax tabaneysaan wada hadalka ogolaada, soo bandhiga waxyaabaha aad tabaneysaan”ayuuna yiri Maxamed Dheere oo sheegay in aan wax horumar ah lagu gaareynin dagaallo aan dhamaad lahayd, qaraxyo iyo dilal.
Hadalka Maxamed Dheere ee baaqa nabadeed ah ayaa wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo shalay uu ku eedeeyay Ururka Al-Shabaab in ay ka dambeeyaan Dagaallada iyo dilalka ka dhaca Magaalada Muqdisho, isagoo xusay in aysan dowladda federaalka dadka dilin balse ay xirto muddo kadibna ay sii deyso,halka uu sheegay in dhinaca ka soo horjeeda Dowladda ay dadka dilaan.
Ugu dambeyntiina, Maxamed Dheere waxaa uu shaqaalaha Maamulka Gobolka Banaadir guddoonsiiyay lacag dhan 91,200,000 Sh. So ah taasi oo uu ku tilmaamay mid abaal marin ah oo ay Shaqaalihiisa muteysteen kadib markii ay howl-karnimo muujiyeen waa sida uu hadalka u dhigaye.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia