Ciidamada Burundi ee Muqdisho jooga oo la dejiyay Xarunta Jaamacaddi Gaheyr

Khamiis, January 31, 2008(HOL): Cutubyo ka tirsan Ciidamada Dowladda Burundi ee ka tirsan Ciidamada Amisom ee Muqdisho jooga ayaa maanta waxaa la dejiyay Xarunta Jaamacaddii Gaheyr ee Magaalada Muqdisho.

Afhayeenka Ciidamada Amisom ee Muqdisho jooga Captain Bridge Bhuko ayaa Xaqiijiyay in cutubyo ka tirsan Ciidamadooda la dejiyay Xarunta Jaamacaddii Gaheyr, wuxuuna sheegay in ay Ciidamadaas ka qeyb-qaadan doonaan sugidda ammaanka Muqdisho.

Captain Bhuko waxaa uu sheegay in ay haatan si rasmi ah u bilaabeen in ay Ciidamadooda dejiyaan meelo kala duwan oo Muqdisho ah, wuxuuna tilmaamay in ay tallaabadaas qaadeen kadib markii ay Ciidamada Amisom soo bateen.

Afhayeenka u hadlay Ciidamada Amisom ayaa sheegay in Ciidamada ay geeyeen Jaamacaddii Gaheyr ay ka soo tageen Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde iyo Xarunta Dugsigii Tababarka Xalane.

Captain Bridge Bhuko oo wax laga weydiiyay sida ay ka yeelayaan haddii ay weerarro uga yimaadaan dhinaca kooxaha ka soo horjeeda Dowladda Federaalka  ayaa wuxuu sheegay in aysan iyagu cidna weerar ku ahayn oo ay nabad-sugid u joogaan isla markaana haddii la soo weeraro ay is-difaaci doonaan.

Ciidamada Amisom ayaa maanta ka hor waxay Muqdisho ka joogeen Dekedda iyo Garoonka Muqdisho, Isgoyska KM4 iyo Xaruntooda dhexe ee Dugsigii Tababarka Xalane, wuxuuna fariisinka cusub ee ay maanta degeen uu noqonayaa midkii shanaad, inkastoo midkan dambe ay degan yihiin kaliya Ciidamada Burundi ee dhawaanahan Muqdisho lagu soo daadgureynayay.

Magaalada Muqdisho ee caasimadda Dalka Soomaaliya ayaa haatan waxaa ku sugan ciidamo ka badan 2000 oo askari oo ka socda Dowladaha Uganda iyo Burundi, kuwaasi oo magaca Midowga Afrika ku howlgelaya, iyadoo ay xusid mudan tahay in ay jiraan dalal kale oo iyana sheegay in ay Ciidamo u soo dirayaan Soomaaliya.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia