Khamiis, January 31, 2008(HOL): Baarlmaanka Soomaaliya ayaa maanta wuxuu soo bandhigay waxqabadkiisa muddo sanad ah oo ka soo bilaabaneysay 31-kii Janaayo 2007, xiligaas oo uu Baarlamaanka Guddoomiye u doortay Shiikh Aadan Maxamed Nuur (Shiikh Aadan Madoobe).
Xaflad lagu maamuusayay mudada sanadka ah ee ka soo wareegatay markii Shiikh Aadan Madoobe Guddoomiyaha Baarlamaanka loo doortay oo ka dhacday Xarunta Baarlamaanka ee ADC-da ayaa waxaa heeso ka qaadanayay Kooxo Fannaaniin ah, waxaana ka qeybgalay Xildhibaannada Baarlamaanka Soomaaliya.
Xoghayaha Baarlamaanka Xildhibaan Maxamed Fiqi oo aqrinayay warbixin ku saabsaneyd waxqabadka Baarlamaanka ayaa sheegay in shirar iyo seminaarro badan oo Baarlamaanka Soomaaliya lagu casuumay uu uga qeybgeli waayay dhaqaale la’aan la soo deristay, isagoo taasina ku tilmaamay nasiib darro, wuxuuse intaas kadib sheegay in Baarlamaanka uu waxyaabo badan qabtay mudadii sanadka ahayd ee aan ka soo gudubnay.
Waxaa sidoo kale munaasabadda ka hadlay Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Shiikh Aadan Madoobe oo sheegay in mudadii sanadka ahayd ee laga soo gudbay uu Baarlamaanka ku tallaabsaday guulo la taaban karo, wuxuuna guulahaas ka soo qaatay in Baarlamaanka uu ogolaaday in la soo dhiso Xukuumad tiro yar oo weliba laga qaadan karo gudaha iyo dibadda baarlamaanka, isagoo xusay in ay taasi ahayd talo soo jeedin ka soo baxday Shirkii Dib u heshiisiinta Soomaaliyeed ee Muqdisho lagu qabtay.
“Maanta waxaa la gaaray in laga gudbay Xukuumaddii ka badneyd 100-ka Wasaaradood, isla markaana la soo dhisay Xukuumad ka kooban 18 Wasiir iyo 5 Wasiir ku xigeen oo uu Baarlamaanka cod aqlabiyad leh ku ansixiyay, taasina waxaan dhihi karaa waa guul uu Baarlamaanka gaaray”ayuu yiri Shiikh Aadan Madoobe.
Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya oo intaas kadib la hadlayay shacabka Soomaaliyeed waxaa uu ku baaqay in la hirgeliyo nabada iyo dib u heshiisiinta ay ku baaqday Dowladda Federaalka Soomaaliya, isagoo farta ku fiiqay in ay Soomaali is-dileysay ku dhawaad 20 sano, ilaa iyo haatanna aan la heynin guul lagu gaaray.
Ugu dambeyntiina, Guddoomiyaha Baarlamaanka waxaa uu maanta furay Xafiisyo loo sameeyay 14 guddi oo uu Baarlamaanka leeyahay, kuwaasi oo sida muuqata aan xafiisyo lahayn mudado seddex sano iyo dhowr bilood ah oo uu dhisan yahay Baarlamaanka Soomaaliya.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia