Ra’iisal Wasaare Nuur Cadde oo ka qeybgelaya Shir Madaxeedka Midowga Afrika ee maanta ka furmay magaalada Addis Ababa

Khamiis, January 31, 2008(HOL): Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde) ayaa wuxuu ka qeybgelayaa Shir Madaxeedka Midowga Afrika, kaasi oo maanta ka furmay magaalada Addis Ababa ee Dalka Itoobiya.

Ra’iisal Wasaaare Nuur Cadde oo markii ugu horeysay ka qeybgalay Shir madaxeedka Midowga Afrika ayaa wuxuu madasha shirka ka jeedin doonaa khudbad ku saabsan Xaaladda Dalka Soomaaliya iyo weliba waxyaabaha ay qabaneyso Xukuumaddiisa.
 
Shir madaxeedka Midowga Afrika oo diiradda lagu saarayo Xaaladda Dalal dhowr ah oo ku yaala Qaaradda Afrika oo ay qalalaasana ka jiraan ayaa Ajendayaasha ugu sareeya ee looga hadlayo waxaa ka mid ah kuwo khuseeya Dalalka Soomaaliya, Kenya, Darfur-Sudan iyo kuwo kale.
 
Shirkii Wasiiradda Arrimaha Dibadda Midowga Afrika ee shir madaxeedkan loogu gogol xaarayay ayaa waxaa ka qeybgalay Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Cali Axmed Jaamac Jengeli, kaasi oo shirkii Wasiirrada Arrimaha Dibadda ka jeediyay khudbad ku saabsaneyd xaaladda dalka Soomaaliya iyo weliba qorshaha Xukuumadda cusub ee Soomaaliya.
 
Shir madaxeedka Midowga Afrika ayaa inta uu socdo waxay madaxda ka qeybgeleysa dooran doonaan Xubnaha Golaha Ammaanka iyo Nabadda Midowga Afrika iyo weliba Guddoomiyaha Mdiowga Afrika, iyadoo uu horay xilkaas u hayay Prof. Alpha Omar Konnare.
 
Si kastaba arrintu ha ahaate, Shir Madaxeedka Midowga Afrika ayaa sanadkan wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo xaaladdiisa ay cakiran tahay dal ka tirsan Dalalkii ugu nabadgelyada roonaa Dalalka Geeska Afrika oo ah Dalka Kenya kadib markii uu khilaaf ka dhashay doorashooyinkii dhawaan dalkaasi ka dhacay, kuwaasi oo rabshado ka dhashay ay ku geeriyoodeen dad boqolaal gaaraya.
 
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia