Olalaha Tallaalka Cudurka Dabaysha oo laga soo gebogebeeyay Somaliland

Khamiis, 31 January 2008 (HOL)- Ololihii Talaalka Cudurka Dabaysha oo muddo seddex cisho ah si balaadhan uga socday Gobolada iyo Degmooyinka dalka Somaliland ayaa shalay la soo geba-gabeeyay.

Ololahan Tallaalka oo isniintii todobaadkan Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Caafimaadka iyo shaqada Md. Mahdi Cismaan Buuri, si rasmi ah ugaga dhawaaqay munaasibad lagu qabtay magaalada Hargeysa oo ay ka soo qayb-galeen Masuuliyiinta iyo shaqaalaha Wasaaradda Caafimaadka, xubno ka kala socday Hay’addaha WHO, UNICEF iyo marti sharaf kale ayaa  waxa ka hadlay Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Caafimaadka Mahdi Cismaan Buuri, oo sheegay in Cudurka dabaysha ay ku guulaysteen in Gobolada dalka laga dabar gooyo, isla markaana ay ololahan talaalka uga faa’iidaysanayaan ka hortaga xanuunkan oo uu sheegay in uu soo noq-noqdo. Waxaana ka mid ahaa hadaladiisii oo uu yidhi, “Illaahay ayaa mahad leh, oo runtii inaga dhameeyay xanuunkan. Cudurkan Dabaysha Gobolada oo dhan waa laga cidhib-tiray, talaalkanina waa ka hor tag ilmaha la rabo in uu difaac u yeesho xanuunkan.” Sidaas ayuu yidhi Wasiir xigeenka Caafimaadku, waxaanu intaa ku daray oo uu yidhi, “Hadafka dawlada, ka Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku-xigeenku waa in qof kastaa uu helo caafimaad, helina karo dawo.” Wasiir ku-xigeenku, waxa uu sheegay in Talaalkani yahay talaabadii ugu horeysay dhinaca talaalka ee sannadkan cusub ee 2008-da. isla markaana ay heegan u yihiin si kasta oo wax lagaga qabanayo caafimaadka bulshada guud ahaanba.

Waxa isna halkaas ka hadlay Madaxa Talaalada Wasaaradda Caafimaadka  Dr. Maxamed Cabdi-raxmaan, oo faahfaahin ka bixiyay qaabka ay u wajahayeen iyo sida looga hawl-galayo Gobolada, Degmooyinka iyo dhulka Miyiga ah intaba ee ku baahsan. Isaga oo arrimahaa ka hadlayana waxa uu yidhi, “Hoos u dhaca xanuunkan waxa lagu gaadhay waa dedaal loo galay sannadihii ina dhaafay, oo uu ugu dambeeyay sannadkii 2007-da, oo laga talaalay 3000, oo Carruurta da’doodu 5 sanno ka hooseyso ah, iyada oo sannadkan cusub ee 2008-da, loogu talagalay in laga talaalo 4000, oo Carruurta shanta sanno ka yar ah. Waxa ka hawl-galaya 1198 kooxood, kormeerayaal isugu jira 238 qof iyo  35 baabuur, iyada oo meelaha aanay baabuurtu mari karaynin la adeegsan doono gaadiidka Awrta iyo Dameeraha, oo ay lagama maarmaan tahay in loo iscitmaalo meelaha buuraha ah.” Sidaa ayuu yidhi Maxamed Cabdiraxmaan Maxamed, waxaanu Sheegay in ay hirgalinta Talaalkan iska kaashadeed Wasaaradda Caafimaadka Somaliland, Hay’adaha WHO iyo UNICEF.”

Waxa kale, oo iyana Xafladaas ka hadashay Mrs Sleavia, oo ka socotay Hay’adda Caafimaadka aduunka ee WHO, oo iyadu sheegtay in xanuunkani yahay xanuun cadaw u ah carruurta yar-yar, isla markaana u baahan in laga feejig-naado, laguna dedaalo sidii loo cidhib tiri lahaa, waxaanay ku amaantay Wasaaradda Caafimaadka Somaliland sida hagar la’aanta ah ee ay uga hawl-gashay cidhibtirka xanuunkan, oo geba-gabo maraya marka loo eego.
 
Barkhad M. Kaariye Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland.