Khamiis, January 31, 2008(HOL): Dowladda Mareykanka ayaa ugu baaqday Dalalka Midowga Afrika in ay de-dejiyaan Ciidamada nabad ilaalinta ah ee ay u dirayaan Soomaaliya, si loo soo celiyo xasiloonidii iyo nabaddii Soomaaliya.
Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka ee Arrimaha Afrika Haweeneyda lagu magacaabo Jendayi Frazer oo ka qeybgashay shir madaxeedka Midowga Afrika ee ka bilowday Magaalada Addis Ababa ee Dalka Itoobiya ayaa ugu baaqday Dalalka Midowga Afrika in ay si deg deg ah ciidamo ugu diraan Soomaaliya.
Jendayi Frazer waxay sheegtay in haddii dalalka Midowga Afrika ay ciidamadooda u diraan Soomaaliya ay taasi sahleyso in la soo celiyo nabadgelyada Soomaaliya, iyadoo ammaantay dalalka ilaa iyo haatan Ciidamadooda u diray Soomaaliya oo kala ah Uganda iyo Burundi.
Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka ee Arrimaha Afrika Haweeneyda lagu magacaabo Jendayi Fraze waxay ka hadashay Xukuumadda cusub ee loo soo dhisay Soomaaliya, waxayna sheegtay in ay Xukuumadda cusub Soomaliya dhigtay Waddo xasiloon.
Jendayi Frazer oo sii hadleysay waxay sheegtay in ay la shaqeynayaan Xukuumadda Ra’iisal Wasaare Nuur Cadde oo ay sheegtay in ay tahay mid wax ka bedeshay xaaladda dalka Soomaaliya.
Hadalka Jendayi Frazer ayaa wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo ay is-bedel la timid Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo iyadu ku baaqday inay wada hadallo la fureyso dhinacyda ka soo horjeeda, iyadoo la xusuusan yahay inay dhawaan xabsiyadeeda ka sii deysay Odayaal ka tirsanaa Golaha Dhaqanka iyo Midnimada Beelaha Hawiye oo mucaarad ahaan ugu xirnaa.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia