WAR DEG DEG AH. Taliyihii Ciidanka Nabad-Sugida Gobolka Hiiraan oo goor dhaw lagu tuugtay magaalada Beled Weyne.

Isniin, 28, 2008 (HOL)  Taliyihii Ciidamadda Nabad-sugidda Gobalka Hiiraan ayaa Goor dhaw dhaw Nin bastoolad ku hubeysan ku toogtay Ilinka hore ee Hotel Beer-lula ee Magaalada Beledweyne sida HOL ay u xaqiijiyeen Goob joogayaal ka ag dhawaa goobta lagu dilay Taliyaha.
 
Max'ed Cali Gaabow oo dhawaan Dowlada Federaalku u Magacaawaday Taliyaha Ciidamada Nabad-sugidda Gobalka Hiiraan ayaa la ogeyn sababta ka danbeysa dilkiisa, waxaa sidoo kale weerarkaa ku dhaawacmay Qof Rayid ah oo ka ag-dhawaa Goobta lagu dilay Taliyaha.
 
Lakiin warar hoose oo soo baxaya ayaa sheegaya in uu jiray muran dhinaca Maamulka ah oo kala dhaxeeyay Taliyaha Mas'uuliyiinta Sar sare ee Maamulka Gobalka Hiiraan, Taliyaha ayaa mar sii horeysay waxaa uu Gudoomiyaha Gobalka Hiiraan Yuusuf Dabageed ku tilmamay in uu yahay nin aan wax wadda tashi ah la yeelay Mas'uuliyiinta Ciidamada isaga oo intaa ku daray in uu si sharci daro ah Xabsiyada ugu hayo dad aan wax danbi ah laheyn.
 
Ninka Toogashada ku dilay ayaa qariyay Wajigiisa si aan loo aqoosan waxaana dadka qaar ay arintani ku tilmaamayaan in ay qeyb ka tahay weerarada lagu u gaarsanayo Saraakiisha ka tirsan Dowlada Federaalka ee ka jira qeybo badan oo ka mid ah Goballadda Dalka Soomaaliya.
 
Waa markii Ugu horeysay oo Bartamaha Magaalada Beledweyne Toogasho lagu dilo Mas'uul ka tirsan Sarkiisha Dowlada Federaalka marka laga reebo weeraradii ka dhacay qeybo badan oo ka mid ah Gudaha Gobalka iyo waliba dilalka ku saleysan dhac burcadu geysato.
 
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online