AXMED DIIRIYE CALI: “Soomaali oo dhan haddii la isu keeno waxaa ku filan kheyraadka yaala inta u dhaxeysa Jowhar iyo Marka, marka waxaan leeyahay Soomaaliyey heshiiya”

Isniin, January 28, 2008(HOL):  Afhayeen Dhaqanka Golaha Dhaqanka iyo Midnimada Beelaha Hawiye Axmed Diiriye Cali oo saxaafadda la hadlay kadib markii uu shalay dib u helay xoriyaddiisa kagadaal muddo 80 cisho ah oo uu xirnaa Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa wuxuu ka waramay sidii loola dhaqmay iyo halka lagu hayay intii uu xirnaa.

Axmed Diiriye Cali waxaa uu sheegay in markii ugu horeysay oo la qabtay lagu xiray muddo labo maalmood ah xarunta Baarista Xisbiga, kadibna loo gudbiyay xabsi ku yaala xero mileteri oo Gobolka Bay ku taala, taasi oo ay maamulaan Ciidamo Itoobiyaan ah, wuxuuna intaas ku daray in intii uu xirnaa aan wax dhibaato ah loo geysan.

“Marka laga reebo in aan xirnaa oo aanan heysan wax xoriyad ah ma jirin dhibaato kale oo la ii geystay”ayuu yiri Axmed Diiriye oo sheegay in intii uu xirnaa uu ahaa qof aan waxba la socon oo aan loo ogolaan in uu Taleefoon helo ama Raadiye uu dhegeysto.

Axmed Diiriye Cali waxaa uu u mahadceliyay intii sii deyntiisa ka qeybqaadatay oo uu ka xusay Ra’iisal Wasaare Nuur Cadde iyo xubno ku jira Xukuumaddiisa, wuxuuna  intaas ku daray in sii deynta la sii daayay isaga iyo xubno kale oo kala tirsanaa Golaha Dhaqanka iyo Midnimada Beelaha Hawiye ay taasi iftiimineyso in laga wada hadlo mushkiladda dalka Soomaaliya.

Mar uu la hadlayay Dadka Soomaaliyeedna waxaa uu sheegay in loo baahan yahay in laga heshiiyo colaadaha iyo khilaafaadyada jira, isagoo xusay in Dhulka Soomaaliyeed uu ka soo harayo Dadka Soomaaliyeed oo uu ka badan yahay, sidaas darteedna ay lagama maarmaan tahay in ay heshiiyaan oo ay wada manaafacaadsadaan kheyraadkiisa, “Soomaali oo dhan haddii la isu keeno waxaa ku filan kheyraadka yaala inta u dhaxeysa Jowhar iyo Marka, marka waxaan leeyahay Soomaaliyey heshiiya” ayuuna yiri Axmed Diiriye Cali.

Axmed Diiriye waxaa uu dhinaca kale baaq u diray dhinacyada isku haya Soomaaliya wuxuuna Dowladda Federaalka ugu baaqay inay dagaalka joojiso, sidoo kalena ay iyana dagaalka joojiyaan dhinacyada ka soo horjeeda, “Dowladda waa in ay xabad joojin ku dhawaaqdaa oo ay siyaasaddeeda burburinta ah bedeshaa, dhinacyada ka soo horjeedana waa in aysan dagaalamin oo ay nabadda qaataan”ayuu yiri Axmed Diiriye Cali oo sheegay in uu sii wadan doono howshii uu bulshada u hayay ee ahayd in uu ka hadlo dhibaatooyinka dalka ka dhacaya, gaar ahaan magaalada Muqdisho.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia