Isniin, 28 January 2008 (HOL)- Maareeyaha Dekada Magaalada Berbera Eng: Cali Maxamed Cumar (Cali Xoor-xoor) ayaa sheegay in badeecadaha ka soo dega iyo xoolaha ka dhoofa dekeda Berbera ay kordheen sanadkii tagay ee 2007.
Maareeyaha dekada Berbera oo shir Jaraa’id ku qabtay shalay xafiiskiisa Dekeda Magaalada Berbera, ayaa waxa uu faahfaahin kaga bixiyay dhaqdhaqaaqa dekada ee Sanadkii aynu soo dhaafnay, isaga oo tilmaamay in sanadkii ina dhaafay ee 2007 marka la barbar dhigo sanadkii ka horeeyay ee 2006 ay ku kordheen Albaabta ka soo degtay dekada Berbera 1300 oo Koontiinar halka bagaashka dekada ka soo degayna ay kaga kordhey sida uu sheegay 80,000tn.
Cali Xoor-xoor waxa uu sheegay oo kale in dhoolaha ka dhoofay Dekada sanadkii dhamaaday ay ku korodhay tiro gaadhaysa, hal Milyan, boqol iyo sagaal iyo sagaashan kun oo neef marka la barbar dhigo tirada xoolaha sanadkii ka horeeyay ee 2006 ka dhoofay.
Shirka Jaraa’id ee maareeyuha dekada Berbera kaga xog-warmay, dhaqdhaqaaqa Dekadaasi ayaa ah warbixin sanad le ah oo Cali Xoor-xoor sanad kasta bilowgiisa kaga waramo xaalada Dekada Berbera, Islamarkaana waxa uu warbixintiisan ku xusay Maareeyuhu inay sanadkan dekeda meelo ka mid ah ku kordhiyeen dhismooyin cusub, una soo iibiyeen qalab dhan 600,000 waxaanu xusay inay sanadkan u qorshaysan tahay inay dekeda u soo iibiyaan laba wish oo waaweyn.
Mar uu ka hadlayey Eng Cali Xoor-Xoor alaabaha ay ganacsatada Itoobiya kala soo degaan dekada Magaalada Berbera ayuu sheegay inuu hoos u dhac weyni ku yimid oo aanay sidii hore ahayn, balse waxa uu xusay inay jiraan ganacsato Itoobiyaan ah oo badeecado kala duwan kala soo dega dekeda Berbera.
Mar uu ka jawaabayey su’aal laga weydiiyay cabasho inta badan laga sheego inay isku milmeen Masuulka Dekeda iyo Maamulka kastamka dekada Berbera oo dhalisa inuu hakad galo shaqo maalmeedka dekada, ayuu Cali Xoor-Xoor sheegay inaanay jirin wax dhibaato ah oo dadka kaga yimaada dhinaca labada waaxood ee kastamka iyo dekeda iyo shaqaaliha toona.
Barkhad M. Kaariye, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland