Banaanbaxyo lagu taageerayo sii deynta Xubnihii ka xirnaa Golaha Dhaqanka iyo Midnimada Beelaha Hawiye oo ka dhacay Muqdisho iyo Cadaado

Isniin, January 28, 2008(HOL): Banaanbaxyo lagu taageerayo sii deynta xubno ka xirnaa Golaha Dhaqanka iyo midnimada Beelaha Hawiye oo ay ka mid ahaayeen Axmed Diiriye Cali, Shiikh Axmed Cali Gees iyo C/llaahi Xasan Abuukar (C/llaahi Dheere) ayaa maanta waxay ka dhaceen magaalooyinka Muqdisho iyo Cadaado.

Banaanbax ka dhacay Isgoyska KM4 ee magaalada Muqdisho ayaa waxay banaanbaxooda ku soo dhaweynayeen sii deynta ay shalay sii deysay Dowladda Federaalka Soomaaliya Xubnaha ka tirsan Golaha Dhaqanka iyo Midnimada beelaha Hawiye, waxayna dadkaasi ku dhawaaqayeen ereyo ay ku sheegayeen in ay si weyn u soo dhaweynayaan tallaabada ay qaaday Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee lagu sii daayay raggaas.

Dadkii isugu soo baxay Isgoyska KM4 ayaa waxaa la hadashay gabar uu dhalay Axmed Diiriye Cali oo lagu magacaabo Luul Axmed Diiriye, taasi oo u mahadcelisay dadkii isugu soo baxay soo dhaweynta sii deynta Aabaheed iyadoo kadibna u mahadcelisay Ra’iisal Wasaare Nuur Cadde oo ay sheegtay in iyadoo la tixgelin waayay oo la dhegeysan waayay uu u soo baxay, isla markaana uu sii daayay Aabaheed iyo Rag kale oo la xirnaa, “Alle ayaa mahad leh marka hore, Ra’iisal Wasaarahana waa mahadsan yahay, waxaana Allaah uga baryeynaa in uu Ajir ka siiyo tallaabada uu qaaday”ayay tiri Luul Axmed Diiriye.

Banaanbax kale oo ka dhacay Degmada Cadaado ee Gobolka Galgaduud ayaa isna waxaa lagu soo dhaweynayay sii deynta xubnahan oo qarkood horay loo sheegay in la dilay oo ay dhinteen, waxayna dadkani sidoo kale ku dhawaaqayeen ereyo ay ku taageerayaan tallaabada ay qaaday Xukuumada Federaalka Soomaaliya.

Guddoomiyaha Degmada Cadaado Maxamed Muxumed Cabdi oo banaanbaxaas ka qeybgalay ayaa sheegay in ay dadka ku dhaqan magaalada Cadaado ay aad ugu faraxsan yihiin in ay  Xukuumadda Federaalka Soomaaliya qaaday tallaabo muhiim u ah dib u heshiisiin ka dhacda Soomaaliya.

Guddoomiyaha Degmada Cadaado waxaa kale oo uu sheegay in Dadka Banaanbaxayay ay bogaadinayeen Ra’iisal Wasaare Nuur Cadde iyo xubno ka tirsan Golihiisa Wasiirrada oo iyagu si weyn isugu howlay in la sii daayo xubnaha ka xirnaa Golaha Dhaqanka iyo Midnimada Beelaha  Hawiye.

Sidoo kalena, sii deynta xubnahan waxaa soo dhaweeyay Jaaliyadaha Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalka dibaddiisa iyo weliba xubno ka tirsan maxkamadihii Islaamka, kuwaasi oo sheegay  in tallaabada lagu sii daayay raggaas ay tahay mid fure u noqon karta isu soo dhawaansho dhexmara dhinacyada isku haya Soomaaliya.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia