Dhaqaatiir u shaqeynayay Hay’adda MSF-Holland oo ku geeriyooday Qarax ka dhacay magaalada Kismaayo

Isniin, January 28, 2008(HOL): Qarax goor dhaweyd ka dhacay magaalada Kismayo ee Gobolka Jubbada Hoose  ayaa waxaa ku geeriyooday afar ruux oo isugu jiray 2 dhaqtar oo ka tirsan Hay’adda MSF-Holland oo lagu magacaabayay Victor (Kenya) iyo Daniel (France) , Darawalkoodii oo lagu magacaabi jiray Maxamed Bidhaan iyo Wariye lagu magacaabi jiray Xasan Kaafi Xareed oo ka tirsanaa Wariyayaasha Magaalada Kismaayo.

Marka laga soo tago afarta ruux ee geeriyootay waxaa lagu soo waramayaa in ay jiraan dad kale oo dhaawacyo qaba, kuwaasi oo ku dhaawacmay firirka Qaraxii baabi’iyay gaariga ay la socdeen Dhaqaatiirta Hay’adda MSF-Holland.

Qaraxa lala beegsaday gaariga ay la socdeen Dhaqaatiirtan ayaa waxaa la sheegay in loo adeegsaday Miinada dhulka lagu aaso ee meelaha fog laga hago, kaasi oo dhawaqiisa laga maqlayay guud ahaan Magaalada Kismaayo.

Ciidamada Ammaanka Magaalada Kismaayo ayaa markii uu qaraxaas dhacay kadib waxay tageen goobtii uu qaraxa ka dhacay, iyadoo ay jireen ciidamo kale oo daba-galay dad looga shakiyay in ay qaraxaas ka dambeeyeen, kuwaasi oo la arkay iyagoo sii cararaya qaraxa kadib.

Dhaqaatiirta Qaraxa ku geeriyootay ayaa waxay ka howlgelayeen Isbitaalka Magaalada Kismaayo oo ay Hay’adda MSF-Holland gacanta ku heyso, waxayna dhawaanahan daweynayay bukaano laga rajo dhigay in gudaha magaalada Kismaayo wax looga qabto, kuwaasi oo qaarkood qaliin u baahnaa.

Xaaladda Magaalada Kismaayo ayaa haatan waxay tahay mid aad u kacsan, waxaana gudaha magaalada laga maqlayaa rasaas ay ridayaan Ciidamada Ammaanka Kismaayo oo iyagu si weyn ugu howlan sugidda ammaanka.

Dadka Magaalada Kismaayo ayaa si weyn uga xumaaday qaraxa lagu dilay Dhaqaatiirtii ka howlgeleysay Isbitaalka Kismaayo oo haatan la qorsheynayay in dib loo howlgeliyo qeybihiisa kala duwan, iyadoo ay xusid mudan tahay in ay haatan shaqeynayeen qeybaha dhaawacyada, Jabka iyo Qalliinka.

Si kastaba arrintu ha ahaatee, dhawaan ayay ahayd markii howl-wadeenno Caafimaad oo u shaqeynayay Hay’adda MSF-Spain lagu af-duubtay Magaalada Boosaaso, inkastoo aakhirkii lagu guuleystay in gacanta af-duubayaasha laga sii daayo Dr. Marcedez Garcia iyo Kalkaaliso Pillar oo ka howlgelayay Xarun lagu quudiyo Caruurta ay nafaqo-darrada heyso oo ku taala bariga Magaalada Boosaaso.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia