Odayaal iyo Waxgarad ka kala tirsan Gobollada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe oo xoogga saaraya sidii loo joojin lahaa Colaadda ka taagan xadka u dhaxeeya Labada Gobol

Isniin, January 28, 2008(HOL): Odayaal iyo Wax-garad ka kala tirsan Goballada Hiiraan iyo Shabeellada Dhexe ayaa bilaabay dadaalo lagu joojinayo Coladda la sheegay in ay ka taagan tahay qeybo ka mid ah Deegaanada Goballlada Shabeellada Dhexe iyo Hiiraan.
 
Odayaal iyo Wax-garad ka tirsan Gobalka Hiiraan ayaa sheegay in uu jiro Xiriir dhinaca Is-gaarsiinta ah oo dhax-maray iyaga iyo Odayaal ka tirsan Shabeelladda Dhexe islamarkaana ay ka wadda haleen sidii loo joojin lahaa dilalka sida uu hadlaka u dhigay micno darada ee u dhaxeeya Beelaha Abgaal iyo Xawaale.
 
Wax-garadku waxaa ay intaa ku dareen in Xiisadaha hadda jira yihiin kuwa ka bilaawday dad Reer Mii ah oo aan Tix-galin u heyn hishiiskii dhawaan ay gaareen Labadda Beelood, waxaana uu intaa ku daray in uu Rajeynayo mar kale in wadda hadal laysaga yimaado sidii meesha looga saari lahaa Colaada laga yaabo in ay sii fiddo.
 
Maalmihii ugu danbeeyay waxaa siweyn isu soo tarayay Dilalka ku saleysan Aargoosiga ee u dhaxeeya Reer Miiga Labada Beelood waxaa Dilalkii ugu danbeeyay lagu soo waramayaa in ay ka dhaceen Deegaanadda Ceel-Baraf iyo Ceel-dheere oo ka kala Tiran Goballada Hiiraan iyo Shabeellada Dhexe kaa oo inta la og-yahay ay ku dhiteen ilaa 4 Ruux oo ka kala tirsan Labada dhinac Waxaana arinti ay keentay kala shaki soo kala dhax-gala Labada Beelood iyo in Reer Miigu u kala gudbi waayaan dhulka Daaqsinka leh,
 
Bartamihii Sanadii aynu soo dhaafnay ayeey aheyd markii Wax-garad ay kala hogaaminayee Ugaas C/raxmaan Ugaas Khaliif iyo Imaam Max'uud Imaam Cumar hishiis ku gaareen Deegaanka Moqokori ee Gobalka Hiiraan kaasoo ay ka soo baxeen Go'aamo laysu hortaagayo colaad danbe oo dhacda, laakiin hadda waxaad moodaa in arinkaa meesha ka sii baxayo.
 
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyn, Somalia