21-ka JANAAYO: Maalinta Warbaahinta Soomaaliyeed oo Maanta Muqdisho laga xusay

Ra'iisal Wasaare Nuur Cadde

Wasiirka Warfaafinta Axmed C/salaan

Ra’iisal Wasaare Nuur Cadde iyo Wasiirka Warfaafinta oo xuska Maalinta Warbaahinta Soomaaliyeed  ka  qeybgalay

Isniin, January 21, 2008(HOL): Xaflad lagu maamuusayay Maalinta Warbaahinta Soomaaliyeed ayaa maanta waxaa lagu qabtay Hotelka Happy ee Magaalada Muqdisho, iyadoo xafladdaasina uu  soo qaban qaabiyay Isbaheysiga Difaacayaasha Xoriyadda Hadalka Soomaaliyeed (SOCFEX).

Xafladdaas oo uu qadka Taleefoonka uga qeybgalay Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde), Ra’iisal Wasaare ku xigeenka, ahna Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda Federaalka Axmed C/salaan Xaaji Aadan, Wasiirka Beeraha Mustaf Dhuxulow iyo Xildhibaano iyo mas’uuliyiin ka socday Warbaahinta iyo Ururrada Bulshada ayaa waxaa lagu soo bandhigay warbixin uu soo diyaariyay Isbaheysiga Difaacayaasha Xoriyadda Hadalka Soomaaliyeed (SOCFEX).

Warbixinta uu soo saaray Isbaheysiga SOCFEX ayaa waxaa lagu sheegay in sanadkii aynu ka soo gudubnay ee 2007 ay Saxaafiyiinta Soomaaliyeed la kulmeen  tacaddiyo isugu jira dil dhaaawac, Jir-dil xabsi iyo Handadaad, wuxuuna Isbaheysiga sheegay in sanadkii la soo dhaafay Soomaaliya lagu dilay 8 Wariye oo ay u jireen mas’uuliyiin Idaacadeed, 5 Wariye la dhaawacay, in ka badan 40 Wariye la xiray, 34 Wariye Weerarro lagu qaaday lana handaday, halka ay wariyayaal ka badan 60 Wariye ay dalka isaga baxeen kadib markii ay ku shaqeyn waayeen, iyadoo ay xusid mudan tahay in wariyayaashaas qaarkood ay soo gaareen farriimo hanjabaado ah.

Haddaba intii ay socotay Xafladda lagu xusayay maalinta Warbaahinta Soomaaliyeed waxaa xafladda Qadka Taleefoonka uga qeybgalay Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Nuur Cadde oo shalay Muqdisho soo gaaray, wuxuuna Ra’iisal Wasaaruhu marka hore u hambalyeeyay Bahda Warbaahinta Soomaaliyeed oo uu sheegay in ay waqti adag ku dhex shaqeynayaan, marka xigana wuxuu Ra’iisal Wasaaruhu bixiyay ballanqaad ah in ay ku shaqeyn doonaan in la dhowro Xoriyadda Hadalka, inkastoo uu Warbaahintana ka dalbaday in ay iyana wanaaga ka shaqeeyaan oo ay dhowraan anshaxa Saxaafadda.

Sidoo kalena Waxaa Xafladdaas ka qeybgalay, kana hadlay Ra’iisal Wasaare ku xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, ahna Wasiirka Warfaafinta Axmed C/salaan Xaaji Aadan oo isna sheegay in loo baahan yahay in la helo jawi aan is-qabqabsi lahayn oo ay ku wada shaqeeyaan Dowladda Federaalka iyo Bahda Saxaafadda, wuxuuna carrabka ku dhuftay in ay dhankooda ku dadaali doonaan in la dhowro Xoriyadda Saxaafadda oo markaasina aan lagu xad-gudubin.

Drs. Maryan Xuseen Maxamed Awreeye oo ah Guddoomiyaha Xarunta Dr. Ismaaciil Jimcaale ee Xuquuqda Aadanaha ayaa iyaduna ka hadashay xafladii lagu maamuusayay maalinta Warbaahinta Soomaaliyeed, waxayna  sheegtay in Warbaahinta Soomaaliyeed ay soo gaareen xadgudubyo ka dhan ah Xoriyadda Hadalka oo uu dhigayo Baaqa Caalamiga ah ee Xuquuqda Aadanaha, waxayna wax laga xumaado ku tilmaantay in maanta oo la xusayo Maalinta Warbaahinta Soomaaliyeed ay Xabsiyada Dowladda Federaalka ku jiraan Madax iyo Wariyayaal ka howlgala Idaacadaha Muqdisho qaarkood.

Si kastaba arrintu ha ahaatee, Xuska Sanadkan ee maalinta Warbaahinta Soomaaliyeed ayaa wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo ay Xabsiyo ay maamusho Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ku xiran yihiin Agaasimaha Idaacadda Qur’aanka Kariimka Yuusuf Shiikh Maxamed Barrow  iyo Agaasimaha Idaacadda Somaliweyn C/raxmaan Maxamed Xasan Xudeyfi iyo labo Wariye oo lagu kala magacaabo Bashiir Maxamed C/qaadir (Al-Bashiir) iyo Maxamed Shidane Dabaan, kuwaasi oo dhamaantood ay xireen Ciidamo ka amar qaata Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Halkan ka aqriso Warbixinta ku saabsan Tacaddiyo loo geystay Wariyayaasha Soomaaliyeed Sanadkii 2007 iyo inta ka baxday Sanadkan

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia