Madaxda Midowga Afrika oo todobaadka soo socda ka shiraya Arrimaha Soomaaliya

Isniin, January 21, 2008(HOL):  Madaxda Midowga Afrika oo todobaadka soo socda shir ku yeelanaya Magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya ayaa waxay si gaar ah uga hadlayaan arrimaha Dalka Soomaaliya.

Danjire Said Djinit oo ka tirsan Guddiga Golaha Ammaanka Midowga Afrika u qaabilsan Nabadda iyo Ammaanka ayaa sheegay in madaxda Midowga Afrika ee shirka isugu imaaneysa  ay ka hadli doonaan xaaladda Dalka Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada Ammaanka iyo Bani’aadannimada.

“Sababtaas darteed ayuu golaha Ammaanka iyo Nabadgelyada Midowga Afrika shir  ka yeeshay arrimaha Soomaaliya ka hor inta aysan todobaadka dambe shir isugu imaanin madaxda Midowga Afrika”ayuu yiri Danjire Said Djinit oo sheegay in ay diyaariyeen warbixin ku saabsan xaaladda dalka Soomaaliya, taasi oo la hordhigi doono Madaxda Midowga Afrika, kuwaasi oo uu sheegay in ay iyana si gaar ah uga  wada hadli doonaan.

Midowga Afrika ayaa wuxuu weli ku baaqayaa in ay Dalalka Midowga Afrika Ciidamo u  diraan  Soomaaliya, kuwaasi oo qeyb ka noqda Ciidamada  Amisom ee Muqdisho howlgallada u jooga, iyadoo ilaa haatanna ballanqaadyo laga hayo dalalka Ghana, Nigeria, Malawi iyo Burundi oo iyadu soo bilowday Ciidamadeeda, halka ay horay u sii joogeen Ciidamo 1,600 Askari ah oo ka socday Dowladda Uganda.

Hayeeshee dalalkaas Ciidamada ballanqaaday waxay ka cabanayaan dhaqaale la’aan ka heysata dhinaca soo daadgureynta Ciidamadooda, iyadoo dhawaana uu sheegay  Guddoomiyaha Midowga Afrika Alpha Omer Konare in aan weli faro lagu heynin dhaqaale laga sugayay Beesha Caalamka oo tiradiisa ay dhan tahay 622 Milyan oo Doollar, inkastoo uu xusay in ay heleen kaliya 32 Milayn oo Doollar,  taasi oo ay bixiyeen Midowga Yurub, Midowga Afrika iyo Dalalka Talyaaniga, Ingiriiska, Shiinaha iyo Sweden.

Si kastaba arrintu ha ahaatee, Dalalka Midowga Afrika ayaa haddii ay Ciidamadooda u soo diri lahaayeen Soomaaliya waxaa meesha ka bixi lahaa Ciidamada Itoobiyaanka ah ee ku sugan gudaha Dalka Soomaaliya, kuwaasi oo ay dadka Soomaaliyeed dhibaato ku qabaan, hayeeshee waxaa muuqaneysa in aysan Dalalka Midowga Afrika dooneynin in ay Ciidamadooda soo diraan.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia