Isniin, January 21, 2008(HOL): Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Golaha Wakiillada Somaliland, Md. Cabdicasiis Maxamed Samaale, ayaa shalay Shahaadooyin guddoonsiinayay dufcaddii 16aad ee ka qalin jebisa Mac-hadka Luuqadaha, Xisaabaadka iyo barashada Culuumta Caafimaadka ee AFLAx ee Magaalada Hargeysa. Kuwaas oo dhamaystay barashada Luuqadaha Carabiga iyo Ingiriisiga.
Ardayda Shahaadooyinka la guddoonsiiyay, isla markaana ka qalin jebisay Mac-hadka Luuqadaha, Xisaabaadka iyo barashada Culuumta Caafimaadka ee AFLAX oo tiradoodu dhammayd 105, ayaa Xafladdii guddoonsiinta Shahaadooyinka, oo lagu qabtay Hotel Maansoor ee Magaalada Hargeysa, ayaa waxa ka soo qayb galay Guddoomiye xigeenka 1aad ee Golaha Wakiillada, Xoghayaha Arrimaha Dibada ee Xisbiga KULMIYE Axmed Xuseen Ciise, Xildhibaan Ibraahim Mahdi Buubaa, Xildhibaan Xasan Cawaale Caynaan, Guddoomiyaha Gobolka Maroodi-jeex ee Xisbiga UCID Xasan Suldaan Cabdiraxmaan, oo dhammaantood halkaa hadal ka jeediyay, Macallimiinta Mac-hadka, waalidiinta iyo marti-sharaf kale oo aad u tiro badan.
Guddoomiye xigeenka 1aad ee Wakiillada Md. Cabdicasiis Maxamed Samaale, oo Munaasibaddaa ka hadlayay, ayaa ku dheeraaday muhiimadda barashada Luuqadaha iyo kaalinta ay kaga jirto Nolosha bani’aadamka. Isla markaana aqoonta qiimaha leh ay tahay ta Ilaahay qofka ku xidha. “Waxaan aad ugu faraxsanahay in aan ka soo qayb galo xafladan qiimaha leh, waxana aanu idiin muujinaynaa in aanu idinla faraxsan nahay, waxa aanu idiinku hambalyaynayaa Luuqadaha aad barateen oo furre u ah Waxbarashada Aqoonta kala duwan. Aqoontu waa shay qaali ah waxana ilaahay ku kala fadilay bini’aadmiga aqoonta, markaa Waxbarashadu marka ay qiimaha leedahay waa marka ay ilaahay kugu xidho ee ay kuu diido Waxa xun’’’ ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray oo uu yidhi, “Bini’aadmigu wuxuu isku afgartaa waa luuqadaha, markaa Barashada luuqadaha aad ayaan idiinku dar daarayaa inaad barataan , halkaasna ka sii wada’’
Maamulaha Mac-hadkan AFLAX, Axmed Ismaaciil oo ka haadlay xafladaa, ayaa ka waramay Sooyaalkii taariikheed ee Mac-hadka, oo uu sheegay in dugsiga la aas-aasay sanadkii 1996-kii, isla markaana ay ka baxeen kumannaan Arday oo luuqadaha Carabiga iyo Ingiriisida ka bartay. Maamuluhu wuxuu ammaan u soo jeediyay Ardayda iyo maalimiinta dugsigaasi iyo Waalidiinta ardayda Mac-hadka ka baxday, oo uu sheegay inay xidhiidh la sameeyaan Maamul ahaan, si layskaga kaashado ka war haynta Waxbarashada Ubadka.
Xoghayaha Arrimaha Dibada Xisbiga KULMIYE Dr Axmed Xuseen Ciise oo ka hadlay xafladaas ayaa isaguna dhiniciisa ka sheegay faa’iidooyinka Luuqadaha qalaad, oo uu sheegay inay yihiin kuwo fure u noqonaya dhammaan caqabadaha nolosha. “Waxaan idinku hambalyaynayaa barashada Luuqadaha oo mihiim u ah kasbashada Cilmiga kale. Waxaan idiin soo jeedinayaa inaad barataan Luuqada China-ha. Waayo, waxay dalkaasi noqonayaa dal hogaaminaya dhaqaalaha adduunka , luuqadiisana waa la wada baran doonaa’’ ayuu yidhi Axmed Xuseen, waxaanu intaa ku daray oo uu yidhi, “Xaq waxa aad noogu leedihiin in aanu wax idin barno oo dhismaha iyo kobcinta garaadkiina aanu dhisno , taas ayaanu balan qaadaynaa haddii aanu waalidiintii iyo siyaasiyiintii nahay”.
Sidoo kale , waxaa xafladdaas ka hadlay Md. Xasan Cawaale Caynaan iyo Md. Ibraahim Mahdi Buubaa, oo labadooduba ka mid ah Xildhibaanada Golaha Wakiilada Somaliland. Waxaanay xuseen kaalinta ay dhalinyartu kaga jirto Mujtamaca iyo sida ay ugu faraxsan yihiin, una soo dhawaynayaan ardayda ay soo saaraan Dugsiyada gaarka ah oo ay amaaneen kaalinta ay kaga jiraan Waxbarashada dalka.
Waxa kale, oo xafladaasi ka hadlay Gudoomiyaha Xisbiga UCID ee Gobolka Hargeysa, Xasan Suldaan Cabdilaahi Suldaan Cabdiraxmaan, oo sheegay in dugsiga AFLAX uu kaalin wax ku ool ah kaga jiro kobcinta barashada luuqadaha iyo xisaabaadka. Isla markaana wuxuu Maamulka iyo Macallimiinta Dugsigaa kula dardaarmay inay sii kordhiyaan dedaalka ay ugu jiraan sidii ay u soo saari lahaayeen Jiil ama da’yar aqoon leh.
Ka hor intii aanu Guddoomiye xigeenku ardayda guddoonsiinin Shahaadooyinka, waxay ardaydu halkaa ku soo bandhigeen Riwaayad ama Majaajillo ka turjumaysa faa’iidada Waxbarashada iyo kaalinta ay da’yartu kaga jirto Bulshada.
Barkhad M. Kaariye Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland