Ciidamada Maamulka Gobolka Hiiraan oo xabsiga dhigay Xoghayihii Maaliyadda Gobolkaas

Isniin, January 21, 2008(HOL):  Ciidamada Maamulka Gobalka Hiiraan ayaa galinkii danbe Maalintii shalay Waxaa ay Xabsiga dhigeen Xog-hayihiin Maaliyada Gobalka Hiiraan Max'ed Deeq Cilmi (Faroole) oo ka mid ahaa Mas'uuliyiinta dhinaca Maaliyada ee uu soo Magacaabay R/wasaarihii Hore Dowlada Federaalka Cali Max'ed Geedi.

Ilaa hadda si dhab ah looma oga sababta keentay Xariga Mas'uulkan Lakiin warar Hoose oo soo baxaya ayaa sheegaya in lagu soo Eedeyay ku Tagri-fal dhinaca Maaliyada ah, halka Warar kalna ay Tilmaamayaan in uu Khilaaf Soo kala dhax-galay isaga iyo Taliyaha Ciidamada Nabad-galyada kadibna sidaa Xabsiga lagu dhigay.

Waxaa jira dadaalo la doonaya in lagu soo daayo Mas'uulka oo ay wadaan Qaar ka mid ah Xubnaha Maamulka heer Gobal iyo Degmo inkastoo haddana la sheegay in aritu ay ka xayiran tahay dhinaca Gudoomiyaha Maamulka Gobalka Hiiraan oo sida la sheegay uu ka soo baxay Amarka lagu Xiray Max'ed Deeq Cilmi (Faroole)

Waa markii Labaad ee uu Xabsiga Galo Xog-haya Maaliyada waxaa Xusid Mudan in Bartamihii Sanadkii aynu soo dhaafnay Gudoomiyaha Degmada Beledweyne Cilmi Sanay Qaasim uu ku soo Eedeeyay in uu ka danbeeyay Weerar Bam oo lagu qaaday Guriga Gudoomiyaha taasoo keentay in Maamulku Xiro.

Maalmihii aynu soo dhaafnay ayaa waxaa jiray Xarig Maamulka Gobalku kula kacay shaqsiyaad siweyn looga yaqaano Gudaha Gobalka Isalamarkaana qaarkood ka wada Gobalka Hiiraan Howlo dhinaca Samaflka ah, Lakiin waa Markii ugu horeysay oo ay Ciidamado Xabsiga dhigaan Mid ka mid ah Mas'uuliyiinta Maamulka Gobalka.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyn, Somalia