Guddiga Ammaanka, Ganacsatada Suuqa Bakaaraha iyo Saraakiil Itoobiyaan ah oo maanta kulan kale ku leh Muqdisho

Isniin, January 21, 2008(HOL): Waxaa maanta shirkoodii labaad ku leh Xarunta Taliska Booliska Soomaaliyeed Guddiga Ammaanka Qaranka, Ganacsatda Suuqa Bakaaraha iyo Saraakiil Itoobiyaan ah, iyadoo shirkaasina looga hadlayo ammaanka Suuqa Bakaaraha.

Shirkan ayaa midkii ka horeeyay waxaa ganacstada Suuqa Bakaaraha lagu siiyay muddo 24 saac ah oo ay uga soo talo bixinayaan sida laga yeelayo xaaladda ammaan ee Suuqa Bakaaraha oo muddooyinkan ahayd mid aan hagaagsaneyn kadib markii ay gudaha Suuqa dhowr ku dagaalameen Ciidamada Dowladda Federaalka iyo kooxaha hubeysan ee ka soo horjeeda.

Ku xigeenka Afhayeenka Ciidamada Booliska Soomaaliyeed C/llaahi Ibraahim Cumar Shaacshaac ayaa sheegay in shirkan midkii ka horeeyay ay labada dhinac isugu jeediyeen eedeymo, iyadoo  ganacsatada lagu dhaliilay in ay gabaad siiyaan kooxaha dagaalka kala soo horjeeda Ciidamada Dowladda iyo kuwa Itoobiya, halka Ganacsatadana ay soo jeediyeen eedeymo ay ka mid ahaayeen in ay Ciidamada Dowladda dhac iyo dil u geystaan, wuxuuna Shaacshaac caddeeyay in ay Ganacsatada si cad u sheegeen in haddii la kala dooransiinayo cidda u roon ay la roon yihiin Kooxaha Dagaalka kala soo horjeeda Ciidamada Dowladda iyo kuwa Itoobiya, waxayna taasi sabab uga dhigeen sida Shaacshaac sheegay in aysan Kooxaha hubeysan dhac u geysan marka laga reebo in ay gudaha Suuqa dilal ka geystaan.

Kulanka ay maanta leeyihiin Ganacsatada Suuqa Bakaaraha, Guddiga Ammaanka Qaranka iyo Saraakiisha Ciidamada Itoobiya ayaa waxaa natiijada ka soo baxda waxaa u dheg taagaya ganacsatada ku ganacsatada Suuqa Bakaaraha oo iyagu qaati ka jooga falal nabadgelyo darro ah oo in muddo ah ay qabeen.

Dhanka kalena, Guddoomiyaha Golaha Dhaqanka iyo Midnimada Beelaha Hawiye Maxamed Xasan Xaad ayaa ugu baaqay Dowladda Federaalka Soomaaliya, gaar ahaan Ra’iisal Wasaare Nuur Cadde in uu soo farageliyo Arrinta Suuqa Bakaaraha, isla markaana uu dhiig-joogin ka sameeyo, isagoo caddeeyay in shirka loogu yeeray ganacsatada Suuqa Bakaaraha uu yahay mid ganacsatada lagu handadayo oo la doonayo in hantidooda lagu boobo, waa sida uu  Maxamed Xasan Xaad hadalka u dhigaye.

Suuqa Bakaaraha oo ah Suuqa ugu weyn Soomaaliya ayaa wuxuu mid noqday mid sii dumaya kadib markii ay qaar ka mid ah ganacsatadii ku xoogsan jirtay ay ganacsigooda u wareejiyeen Suuqyo kale oo Muqdisho ku yaala sida Suuqyada Siinaay, Xamarweyne iyo Suuq Bacaad.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia