Isniin, January 21, 2008(HOL): Gobalada Hiiraan iyo Ismaamul Gobaleed Puntland Marka La eego waxaa ka dhaxeeya Xiriir dhinaca Ganasiga ah oo ka badan kan kala dhaxeeya Gobalka Caasimada Muqdisho oo aan ganacsi sidaa u badneyn uu ka soo galo Gobalka Hiiraan.
Magaalada Beledweyne waxaa maalin kasta ka baxa Cel-celis ahaa 3000 ilaa 4000 oo Neef kuwaasoo laga Dhoofiyo Degadda Magaalada Boosaaso ee Ismaamul Gobaleedka Puntland, Sidoo kale Gobalku waxaa uu dhoofiyaa dhinaca Magaalada Boosaaso Qudaarta ka soo go'dda Dalaga Beeraha oo la oran karo waa Ganasiga ugu badan ee kala dhaxeeya Gobalka Hiiraan Gobalada kala ee Puntland.
Taa badalkeeda Waxaa Maalin kasta Soo gala Magaalada Beledweyne ee Xarunta Gobalka Hiiraan Gawaari Xabuul ah oo ka keena dhinaca Magaalada Boosaaso Maciishadda Daruuga ah iyo waliba Alaabta Bagaashka ah, taasoo keentay in dhaqaalaha Labada Gobalk Isku xirmo.
Hadaba iyadoo ay sidaa tahay ayaa Magaalada Beledweyne waxaa hadda uun laga dareemay Sicir bar la mid ah kan ka taagan qeybo badan oo ka mid ah Gobalada Puntland, waxaa Cirka isku shareeray Sarifka Lacagta Doolarka ah oo gaaray Maalmihii ugu danbeeyay Heer kiisii ugu sareeyay Waxaana lagu kala sarifinayaa Gudaha Magaalada Beleweyne 100 Doolar lacag dhan ilaa 1,280,000 oo Sh, So. waxaana taa ka dhashay in Maciishadu noqoto mid labo jibaaranta marka loo eego halkii ay markii hore taagneyd.
Tusaale ahaa waxaa Magaalada Beledweyne uu ka Marayaan Loorka Burka ah 750,000 oo Sh. So.halka Markii hore lagu kala Iibsan jiray Wax ka yar Ilaa 400,000 oo Sh. So. Sidoo kale Ganasatada Qaar ayaa hadda bilawaaday in aysan waxba ku iibsan Lacagta Sh. So. ah Maadaama aysan wax Qiimo ah laheyn, waxaana ay arintani sameyn Mug leh ku yeelatay dadka Xoogooda ku shaqeyta ee aan awoodin ay helaan Lacagta Doolarka.
Mid ka mid ah Goobaha Ganacsatada Magaalada Beledweyne ayaa HOL u sheegay in Qofka wata Lacagta Sh. So. lagu qasbo in uu u soo badalo Doolar, Waayo Ayuu Yiri Anaga waxa kaliya ee na Anfacaya waa Doolarka,
Subixii Marka uu Waagu baryo ayaad arkeysaa dad weyne ku soo jarmaada Suuqa Sarifka Lacagaha Qalaad si ay ula socdaan halka uu marayo Doolarka oo ah kan mar walba lagala socdo qiimaha Maciishada, Lakiin Arinta ugu badan ee dadku ka cabanayo ayaa ah xitaa hadii uu Doolarku is dhimo in mar walba Maciishadu halkeedii tahay Maadaama Gancsitadu dhib ku qabaan Laftirkooda Is-bad badalka Lacagta Qalaad.
Sameyta Muuqada ee Sicir Babarku ku yeeshay Gobalka Hiiraan ayaa loo Aaneynayaa Ganasiga Muga leh ee kala Dhaxeeya Gobalka Hiiraan Dhulka Maamul Gobaleed Puntland, waxaada dad badani lee yihiin hadii ay arintu sida ku sii socta waxaa qasab ah ay Cariiri Gasho nolasha Dad badan oo markii hore ahaa kuwo Xoogood ku nool ah.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyn, Somalia