Ciidamo kala taabsan Somaliland iyo Puntland oo mar kale ku dagaalamay Deegaano ka tirsan Gobolka Sool

Axad, January 13, 2008(HOL): Ciidamo kala taabacsan maamullada Somaliland iyo Puntland ayaa saaka aroortii waxay mar kale ku dagaalmeen Deegaanka Dhaban-saar ee gobolka Sool.

Mas’uuliyiin u kala hadlay labada maamul oo wareysiyo siiyay  Laanta Afka Soomaaliga ee BBC-da ayaa waxay isku eedeeyeen in uu midba kan kale dagaal ku soo qaaday, iyadoo ay labada dhinac kala sheeganayaan guulo ay dagaalka ka gaareen.

Wasiirka Gaashaandhigga Somaliland C/llaahi Cali Ibraahim ayaa wuxuu sheegay in Ciidamo ka amar qaata maamulka Puntlanad ay saaka aroortii weerar ku soo qaadeen ciidamadooda oo jooga sida uu yiri deegaano ka tirsan Gobolka Sool, isagoo intaasna ku sii daray in ay Ciidamada Puntland ka qabteen maxaabiis 20 ruux oo uu sheegay in uu jiro Taliyaha Aagga Koofureed ee Ciidamada Puntland.

Sidoo kalena, Wasiirka Arrimaha Gudaha Maamulka Puntland C/rashiid Barqadle oo isna ka hadlay dagaalka ka dhacay deegaannada hoos-taga Gobolka Sool ayaa wuxuu sheegay in ay deegaanka Dhaban-saar ee Gobolka Sool ay ku dagaalameen Dadka Deegaanka ah iyo Ciidamada Somaliland, wuxuuna sheegay in ay halkaas ciidamada Somaliland ka soo gaartay khasaare dhimasho iyo dhaawac isugu jira.

Ma jirto ilaa iyo haatan cid labada maamul ka madax-bannaan oo xaqiijineysa khasaaraha ay labada dhinac isugu geysteen iyo weliba cidda markii hore qaaday dagaalka labada ciidan dhexmaray.

Si kastaba arrintu ha ahaatee, Bishii Oktoobar ee aynu ka soo gudubnay ayay ahayd markii Ciidamo taabacsan Maamulka Somaliland ay la wareegeen gacan ku heynta Magaalada Laascaanood ee Gobolka Sool oo xiligaas wixii ka horeeyay uu ka talin jiray Maamulka Puntland.
 
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia