
Axad, 13 January 2008 (HOL)- Hoggaanka sare ee Urur-Siyaasadeedka Qaran, ayaa si adag u dedafeeyay War sheegaya in khilaaf ba’ani soo kala dhex galay Guddoomiyaha iyo Guddoomiye-xigeenka Ururka, oo ay baahiyeen qaar ka mid ah Warbaahintu, waqti ay Xalay khadka Telefoonka shir ballaadhan kula yeesheen Jaaliyadda Somaliland ee adduunka qaarkood. Halkaas oo ay labada dhinac ku dhex martay dood adag oo dhinacyo badan taabanaysa.
Madaxda Ururka Qaran oo xalay fiidkii horumarka laga gaadhay dhinaca Tignoolajiyada awgeed iyaga oo ku sugan Magaalada Hargeysa, shir kula yeeshay khadka Telefoonka Jaaliyadaha Somaliland ee ku kala nool meelo kala duwan oo adduunka ah, ayaa ka hor intii aanay dooddaas iyo su’aalahaasi bilaaban, waxay halkaa ka jeediyeen hordhac iyo xog-waran ku saabsan xadhigoodii, halka uu dalku marayo iyo muranka ka taagan sharciyadda Ururkooda.
Eng. Maxamed Xaashi Cilmi ayaa waxa uu aad ugu dheeraaday wixii ay kala kulmeen Xabsiga iyo Muuqaalka guud ee Xabsiga Mandheera.
Jamaal Caydiid Ibraahim ayaa isaguna ka hadlay muranka ka taagan sharciyadda Ururkooda. Waxaanu ku tilmaamay sida uu dalku u socdo waddo qaldan. “Dalkeena waxa ka taagan Muran Sharci oo aan lahayn ciddii kala saari lahayd, markaa Ciyaar uun baa socota aan lahayn Siidhi-wade…Komishankii la magacaabay, halkii bay fadhiyaan oo ay gacmaha laabteen, kaliya waxay soo korodhsadeen inay aqoon ka soo korodhsadaan Kenya oo wixii ka dhacay aad ogaydeen, oo aynu Ilaahay ka baryayno inaanay ka soo baran dhinaca xun, ee ay ka soo barteen sidii dhibta loo xallin lahaa.” ayaa ka mid ahaa hadalladiisii.
Sidoo kale Guddoomiyaha Ururka Dr. Maxamed Cabdi Gabboose, ayaa isaguna dhiniciisa ka hadlay Xaaladda guud ee dalka. isla markaana beeniyay war ay qoreen qaar ka mid ah Warbaahintu. “Dalkeena Maamul xumo wayn ayaa dhacday..dariiqii hore wuu ka leexday oo nidaamkii keliteliska ahaa ayuu cagta saaray.. Waxa la yidhi waxaanu Jaraa’idka iyo Website-ka Qarannews aanu ku aragnay in, Hoggaankii Qaran is qabtay oo Maxamed Xaashi iyo Gabboose uu muran xoog leh ka dhex jiro, oo Jamaal iyo qoladayadii kale ku kala aragti duwanaanay arrintii M/weynaha. Walaal afcaashaa Xisbiga UDUB ayaa wada, waa anagaa idin hor fadhina anaga oo qalbigayagu isku fayow yahay. Waqti adag baanu ku jirnaa, oo halgan baanu ku jirnaa, oo waqti lays qabqabsado, laysna xag-xagto waanu ka waynaanay, oo waanu ka saraynaa. Waxaa waxa loo abaabulayaa in idinka (Qurba-joogga) quluubtiina lagu dhaawaco, in gudaha dadkii xaqa u dirirayay shaki lagu rido, wax ka jiraa haba yaraatee ma jiraan. Waxaan idinka codsanayaa (Qurba-joogga S/land) in aad Website-kaa Qarannews..oo aad waydiisaan halkee ayaad warkaa ka keentay.” ayuu yidhi.
Dooddii, su’aalihii iyo Jawaabihii ay is-dhaafsadeen labada dhinac:
Su’aalahaas iyo Jawaabihii ay ka bixiyeen Masuuliyiinta Ururka Qaran, oo aanu ku xusnay halka su’aasha laga soo waydiinayo, ayaa waxay u dhaceen sidan;
S (USA): Dawladda iyo Xisbiga talada hayaa haddii ay idiin ogolaan waayo, oo ay suurtogal idiin noqon waydo inaad Urur samaysataan, maxay taladiinu tahay? Ma laga yaabaa inaad Xisbiyada kale ku biirtaan.
J1: Maxamed Xaashi: Anagu ugu horayn waxaanu u soo baxnay inaanu Urur samaysano, Ururkii Sharcigii wuu noo ogol yahay, haddiise uu isagu (M/weyne Rayaale) ku adkaysto sidii Kenya oo kale ayuunbay noqon doontaa.
J2: Jamaal Caydiid: Anagu muhiimaddayadu waxa weeye inaanu sharciga ku doodno, Xisbiga talada hayaana kaligii sharcigu kama go’o. Waxaananu jecel nahay in waxa lanagu qanciyo uu noqdo Sharci, ee aanu Xisbiga talada hayaa Sharcigiisa nagu qancin. Hadii sharciga lanagu qanciyo waxaanu nahay muwaadiniin ku qancaysa, haddii nala qancin waayo, idinkaa (Qurba-joogga SL) nagala soo talin doona waxaanu ka yeelayno.
S (Sweden): Qodobka 9aad ee Distoorka S/land, farqaddiisa 2aad wuxuu odhanayaa, Xisbiyada Qaranku kama badan karaan 3, maadaama uu Distoorkeenu ay ku qoran tahay saddexdaa Xisbi, qolada Qaran waxaan odhan lahaa Distoorka dib ugu noqda.
J: Gabboose: Muwaadiniinta S/land meel kasta oo ay joogaan waxaan ka codsanayaa inay Distoorka furaan. Waxa la ogyahay inaanan wadin inaanu furno Xisbi 4aad, sharciguna ma ogola oo dalkeena waxa laga ogol yahay 3 Xisbi, anaguna ma jebinayno. Laakiin, waxa laysku hayaa waxa weeye, xageebaad ku aragtay 3-da Xisbi in ay yihiin UDUB, UCID iyo KULMIYE? Ma meel ay ku qoran yihiin baad aragtay saddexdii Xisbi ee tartanka ugu horeeyay ee soo baxay, ayaa waligood jiraya? Walaal qodobka 9aad farqadiisa 2aad ayaad qabsataye, isla qodobka 9aad farqaddiisa 1aad, waxaad ka eegtaa Jamhuuriyadda Somaliland nidaamkeeda waxa saldhig u ah nidaamka Axsaabta badan. Isla qodobka 9aad ee leh Xisbiyadu saddex kama badan karaan, waxa kale oo uu odhanayaa, Xisbiyada waa la furan karaa. Haddaba haddii la furan karo oo aan laga badin karin saddex, waxaad u guurtaa qodobka 23aad ee Distoorka ee odhanaya Muwaadiniintu waxay xaq u leeyihiin inay Ururo-Siyaasadeed furtaan, oo ah Xuquuqda aasaasiga ah.
Marxuum wuxuu sameeyay Xeer Doorasho, oo loo yaqaano Xeerka Nidaamka Axsaabta, oo qodobkaa 9aad iyo ka 23aad ee Distoorka isku dheegaya, wuxuuna ka soo qoray cid allaala iyo ciddii doonaysa inay Xisbi furato ay saddexda Xisbi ka mid noqoto. Dawladaha Hoose kolka la gaadho doorashooyinkooda ururo ayay furanayaan..Dimuqraadiyaddu sidaas oo cad bay u qoran tahay. Maaha adiga (Qofkii su’aasha waydiiyay) sida lagaa dhaadhiyay, fikirkaa waxa qabaa waa UDUB. Markay doonayaan M/weynahan iyo raggiisu waxay yidhaahdaan, dalku saddex Xisbi ayuu leeyahay, anaguna waanu la qabnaa, hase ahaatee waxa xeerka ku qoran in Dawladaha Hoose lagu tartamayo, Xisbiyaduna ay noqonayaan kuwo ku meel gaadh ah. Xisbiyada UCID, UDUB iyo KULMIYE Shahaadooyinkii lagu ansixiyay ee Miisaskooda saaran waxa ku qoran in Cimrigoodu yahay 5 sannadood iyo Ku-meel gaadh baad tihiin. Haddiise ay hayaan waligiin baad jiraysaan, Umadda ha u soo ban dhigaan. Markaa walaal adigu Distoorka ku noqo.
S (Norway): Maxay Qaranimada Somaliland u dhimaysaa arrintan aad waddaan haddii muranku sii adkaado?
J: Dr. Gabboose: Waxaanu aaminsanahay umad murmaysa oo aan Xabbad (rasaas) qaadanayn, waa Ilbaxnimo, waa horumar iyo dimuqraadiyadda oo lagu dhismayo, inta hadalka taagan tahay oo Sharciyadda lagu murmayo. Markaa anagu waxaanu u haysanaa inay guul tahay in la helo dad xaqoodii u dagaallamaya oo caqli iyo xaq u dagaallamaya. Sidaa daraadeed, waxaanu isleenahay aakhirka sumcad wanaagsan ayay ku dambayn doontaa.
S (Canada): Shacbiga reer Somaliland waa maxay xilka laga rabaa haddii Xukuumaddu diiddo Ururkiina?
J: Jamaal Caydiid: Dimuquraadiyaddu waxay ahayd Shacbiga Somaliland inuu kala saaro, oo ay muujiyaan xaqiiqada meesha ka jirta. Iyada oo runtii Maskaxda culays badan laga saaray dadka, oo la yidhi haddii aad muddaharaaddaan Suuqaa la boobayaa, oo haddii ra’yigiina cabbirtaan Saxaafadda waa la ciqaabayaa. Waxa weeye shacabku inuu Maskaxdiisa ka saaro rabitaankiisa haddii uu si salmi ah u muujiyo in nabadgelyadu xumaanayso. Waxaanu taageerayaasha Qaran ku wacyigelinaaa inay Mudaharaaddo salmi ah sameeyaan.
S (Canada): Ma u malaynaysaan inay Doorashadu dhacayso, haddii ay dhici waydo oo dawladdan joogtaa ay sii joogto, ma u malaynaysaan in SNM labaad loo baahan yahay?
J1: Maxamed Xaashi: Waxaanu ku rejo waynahay in horta Caqligu shaqeeyo oo madaxdu u soo noqoto xaqaa’iqa iyo wixii dalku ku wanaagsanaanayo, lexejecladuna inay intan dalka uga qaro waynaato ayaanu jecelnahay. Marka hore waxaanu rejaynaynaa inay Doorashooyinku dhacaan, laakiin haddii dib loo dhigo ama ay dhici waydo, waxay noqonaysaa wax aan anaga nagu koobnayn.
J2: Gabboose: Shan sanno ayay Xukuumaddu inay xaqiijiso inay Doorashooyinku ku qabsoomaan waqtigii loogu talo galay, way ku fashilantay. Waayo, shuruucdii baa dhulka la jiiday, Komishankii baa la jiiday, is-maqalkii iyo dulqaadkii baa meel lagaga dhacay. Waayahaye, dhici waydaye yaa dambigaa leh? Dib u dhigistii lagu heshiiyay ee dib loo dhigay, iyana waxa muuqata inaanay qabsoomayn Doorashadu waqtigeedii. Waayo Xukuumadda waxa laga la’yahay 25% kharashka Doorashooyinka ee laga rabay inay bixiso, walina Komishankii halkii buu iska fadhiyaa.
S (Canada) : Waxaynu isku raacsanahay in dalku yeelanayo 3 Xisbi, cimrigooduna yahay 5-ta sanno ee dhamaatay hadda, haddaba hadii uu mad-madow ku jiro qodobada 9aad iyo 23aad, miyaanay ahayn in sharci-dejintu si fiican u kala saarto qodobadaa, oo aad doorashada ka qayb gashaan?
J1: Maxamed Xaashi: Waxa weeye, si qodobadu u wada shaqeeyaan waxa la sameeyay Xeer 14, xeerkaasi wuxuu leeyahay guddi diiwaangelin ah ayaa la samaynayaa, guddigaasi shaqadeeda waxay ka bilaabaysaa Xisbiyadii ku-meelgaadhka ahaa ee jiray ee 3-da ahaa iyo Ururada cusub, marka ay Xisbiyada iyo Ururada cusubi buuxiyaan shuruudihii laga rabay, ayay guddigaasi u gudbinaysaa Komishanka Doorashooyinka. Markaa markay tartamaan, saddexda urur ee ugu tirada badan xagga dadka, ayaa soo hadhaya ee wax qabyo ah maahee waa Xeerkii lagu tartamay.
J2: Gabboose: Sharcigii 5 sanno ka hor naloogu ogolaaday inaanu Ururo furano, ururadaas oo kala ahaa, Asad, Kulmiye, Sahan, Ucid, Udub iyo Hormood, sharcigii uun baa yaala, ee mid ka dambeeyay dalkan kama soo bixin, oo mamnuucaya, Maxkamadina maa laallin. Maxaa diidaya markii hore inaan Urur ku furto, haddana laygu diido inaan Urur furan karo? Wixii markii hore ku yaalay Sharcigaa, ayaa imikana ku yaala. Walaal dariiqii uu Rayaale ee Xisbigiisa UDUB ku soo baxay, ee Sahan ku hadhay, isla Xeerkii ayuun baa qoran wax ka baxsani ma jiraan.
Barkhad M. Kaariye
[email protected]
Hargeysa, Somaliland