Axad, January 13, 2008(HOL): Ciidamo Boolis iyo Mileteri ah oo ka wada tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta waxay ku dagaalameen Isgoyska Howl-Wadaag ee Magaalada Muqdisho.
Ciidamadan oo fariisimo ku kala leh Isgoysyada Howl-wadaag iyo Aadan Cadde ee Wadada Wadnaha ayaa wuxuu dagaalka dhexmaray salka ku hayay gacan ku heynta Isgoyska Howl-wadaag oo lacago aan la sharciyeynin looga qaado Gaadiidka BL-ka ee halkaas isticmaala.
Isgoyskaas oo ay markii hore joogeen Ciidamo Boolis ah ayaa intii uu dagaalka socday ay waxaa la wareegay Ciidamada Mileteriga oo iyagu adeegsanayay Gaadiidka dagaalka, halka Ciidamada Booliskana ay kaliya ku dagaalamayeen qori gacmeedyo.
Dagaalka labada Ciidan dhexmaray ayaa waxaa la sheegay in uu yimid kadib markii ay Ciidamada Booliska diideen in lacagta ay ka qaataan Isgoyskaas ay qeyb ka siiyaan Ciidamada Mileteriga oo ku doodayay in Ciidamada Booliska ay habeenkii Isgoyskaas ka tagaan, cidda lagu soo weeraro ee difaacdana ay iyaguna yihiin, sidaas darteedna ay xaq u leeyihiin in wax laga siiyo lacagta laga qaado gaadiidka halkaas isticmaala.
Dhanka kalena, Hal Askari iyo Qof Rayid ah ayaa saaka ku dhaawacmay isla Isgoyska Howl-Wadaag, kadib markii halkaas lagu qarxiyay Miinada dhulka lagu aaso ee meelaha fog laga hago, iyadoo ay ahayd Miinadii labaad oo halkaas lagu qarxiyo muddo todobaadyo ah.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia