Guddoomiyaha Ganacsatada Suuqa Bakaaraha oo sheegay in Suuqaas uu noqday mid go’doon ah oo laga sii kala guurayo

Axad, January 13, 2008(HOL): Guddoomiyaha ganacsatada Suuqa Bakaaraha Cali Maxamed Siyaad (Cali Dheere) ayaa sheegay in Suuqa Bakaaraha oo ah Suuqa ugu weyn Soomaaliya uu noqday mid go’doon ah oo laga sii kala guurayo.

Cali Dheere waxaa uu sheegay in uu Suuqa go’doon noqday kadib markii Waddooyinka laga soo galo la dhigay Ciidamo ka amar qaata Dowladda Federaalka iyo kuwo Itoobiyaan ah, wuxuuna intaas ku daray in ay Ciidamada Dowladda dhac u geystaan dadka marka ay Suuqa gelayaan iyo marka ay ka soo baxayaan.

Mas’uuliyiinta sare ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ee kala ah Madaxweynaha, Guddoomiyaha Baarlamaanka iyo Ra’iisal Wasaaraha ayuu ka codsaday inay soo fara-geliyaan arrinta Suuqa Bakaaraha, wuxuuna ka digay inuu Suuqaas noqdo mid baaba’a.

Baaqa uu madaxda Dowladda Federaalka ujeediyay Guddoomiyaha Suuqa Bakaaraha Cali Dheere ayaa wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo Suuqa Bakaaraha uu sii noqonayo mid lagu sii kala guurayo sababo nabadgelyo darro aawgood, isla markaana ay ganacsatadii ku ganacsan jirtay qaarkeed ay u wareegeen Suuqayada Siinaay, Xamarweyne iyo Suuq Bacaad.

Ugu dambeyntiin, Suuqa Bakaaraha oo ah Suuqa ugu weyn Soomaaliya ayaa in muddo ah waxaa uu yahay aag dagaal oo ay ku hardamaan Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kooxo hubeysan oo ka soo horjeeda, kuwaasi oo ay iska hor-imaadyada u dhaxeeya ay noqdeen kuwo joogto ah oo ay dad rayid ahna waxyeello ka soo gaarto.
 
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia