Dagaal xooggan oo xalay ka dhacay Caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho

Axad, January 13, 2008(HOL): Magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka Soomaaliya ayaa habeenkii xalay ahaa waxaa ka dhacay dagaal xooggan oo dhexmaray Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Ciidamada Itoobiya oo isku dhinac ah iyo kooxo hubeysan oo ka soo horjeeda.

Dagaalka oo labo jeer dhacay ayaa midkii ugu horeeyay waxaa uu ka dhacay xaafado ka tirsan Degmada Hodan, gaar ahaan Warshaddii Caanaha, Al-Baraka, Kaasabolbollaare African Village iyo Tareebuunka, waxayna halkaas dhinacyadii ku dagaalmayay isugu adeegsadeen hubka noocyadiisa kala duwan.

Dagaalkaas oo muddo saacad ah socday ayaan la ogeyn khasaare ay isugu geysteen dhinacyadii dagaalamayay oo uu dagaalkooda ka dhacay meel aysan dad rayid ah ku sugneyn, inkastoo madfac ay isku rideen dhinacyadii uu dagaalka u dhaxeeyay oo ka ambaday jihadii lala rabay uu ku dhacay guri ku yaala Degmada Howl-wadaag, halkaasina uu ku dhaawacay Aabbe iyo Gabar uu dhalay.

Abaara 10:30-kii habeennimo ee xalay ayaa hadana waxaa uu dagaal kale ka dhacay qeybo ka mid ah Wadada Warshadaha, gaar ahaan inta u dhaxeysa Ceymiska ilaa Ex-Koontarool Balcad, wuxuuna dagaalkaas ahaa mid sidoo kale la isugu adeegsaday madaafiic waa weyn iyo rasaas yar yar oo ka dhaceysay qori gacmeedyo ay adeegsanayeen dhinacyadii uu dagaalka dhexmaray.

Si kastaba arrintu xaaladda ayaa saaka degan, waxaana caadi ah goobihii ay xalay dagaallada ka dhaceen, inkastoo dadka aysan mareynin, isla markaana ay ka baqayaan in ay dhibaato u geystaan Ciidamada Dowladda iyo kuwa Itoobiya ee xalay weerarrada lagu qaaday.
 
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia