Axad, January 13, 2008(HOL): Axmed Maxamed Cabdulle (Axmed Qare) oo ka tirsan Mas’uuliyiinta Maxkamadihii Islaamka ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay warar ay sii daayeen qaar ka mid ah Idaacadaha Muqdisho, kuwaasi oo ahaa in xoogag u daacad Maxkamadihii Islaamka ay qal-qal iyo cabsi-gelin ku hayaan deegaanno ka tirsan Gobollada dhexe.
Axmed Qare waxaa uu sheegay in aysan jirin Ciidamo ka amar qaata Maxkamadaha Islaamka oo ku sugan Gobollada dhexe, wuxuuna sheegay in Ciidamada deegaanadaas laga soo sheegayo ay yihiin kuwo deegaanka ah oo la weydiin karo odayaasha deegaannada laga soo sheegayo.
“Umadda Cadaw baa ku soo duulay sidii ay isaga saari lahaayeen ayayna maxkamadaha ka shaqeynayaan ee ma jirto dhibaato ay dadka ku hayaan”ayuu yiri Axmed Maxamed Cabdulle (Axmed Qare) oo intaas sii raaciyay in aaney waxba kala ahayn Maxkamadaha Islaamka iyo Shacabka Soomaaliyeed “Maxkamaduhu waa shacabka, waxayna leeyihiin hal ujeeddo oo ah in ay dalka ka xoreeyaan cadawga ku soo duulay”ayuuna yiri Axmed Qare oo u waramayay Idaacadda Horn Afrik ee Magaalada Muqdisho.
Mar wax laga weydiiyay waxa ka jira warar sheegaya inay socdaan wada hadallo ay wadaan Midowga Yurub iyo Qaramada Midoobay, kaasi oo la doonayo in lagu dhexdhexaadiyo Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo dhinacyada ka soo horjeeda oo ay maxkamadaha qeyb ka yihiin ayaa wuxuu sheegay in aysan marka horeba ogeyn dowlad ka jirta dalka Soomaaliya, “Ma waxaa dowlad lagu yahay in dad hal milyan ka badan guryahooda laga barakiciyo oo ay ku noolaadaan geedaha hoostooda”ayuu yiri Axmed Qare.
Sidee markaas xal loogu heli lahaa mushkiladda Soomaaliya ayay ahayd su’aal kale oo la weydiiyay Axmed Qare, wuxuuna sheegay in marka ay Ciidamada Itoobyaanka dalka ka baxaan aysan jiri doonin wax ay Soomaali isku heysato, isla markaana nabadgelyo la heli doono.
Hadalka uu sii daayay mas’uulkan ka tirsan Maxkamadihii Islaamka ayaa wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo beryahan ay soo baxayeen warar sheegayay in deegaano dhowr ah oo ku yaala bartamaha iyo Koofurta Soomaaliya ay dib isugu soo abaabulayaan Xoogag u daacad ah Maxkamadihii Islaamka ee mudada lixda bilood ah ka talinayay inta badan Soomaaliya.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia